daajis.com:-Sareeye Guute Axmed Saleeban Dafle oo ka mid ahaan jiray 5-tii Golihii Sare ee Kacaanka, Dowladdii Kaliye taliye Maxamed Siyaad Allaha u naxariistee hoggaamin jiray ayaa si kulul ugu hadlay tallaabadii ay maamulka Somaliland ku weerartay maamulka Khaatumo.
S/guute Axmed Saleebaan Dafle ayaa ka hadlay xaflad lagu taageerayay maamulka Khaatumo oo lagu qabtay magaalada Antwerpan ee dalka Belgium-ka isagoo sidoo kale ka hadlay weerarka Somaliland ku qaaday deegaanka Saaxdheer.
`Siilaanyo wuxuu u maleeyaa inuu qasbi karo oo uu ka dhigi karo Somaliland, umadda Khaatumo iyo dalkooda, dadka Khaatumo 20 sano ayey kula dagaalamayeen Ingriis inay Somalia xorowdo, dadkaasi taariikhdaas ayey leeyihiin, Siilaanyo iyo Awoowahiisna waxay la socdeen Ingiriis, labo magac baa la kala lahaa, daraawiish iyo rayid, reer Khaatuma Daraawiish bay ahaayeen, oo u dagaalameysay calanka maanta noo taagan.`ayuu yiri Axmed Saleebaan Dafle.
HALKAN KA DAAWO VIDEOGA HADALKA DAFLE
Maamulka Somaliland iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ayaa u arka Axmed Saleebaan Dafle iyo xubnihii golihii sare ee Kacaanka mid danbi ka galay shacabka gobolada Waqooyi, isla markaana gacan ku lahaa xasuuqii goboladaasi Dowladdii kacaanka u geysatay.
Sareeye Guute Axmed Saleebaan Dafle oo Golihii Sare ee Kacaanka u qaabilsanaa dhinaca nabadgelyada, wuxuu horay usoo noqday Taliyihii Nabadsugida Somalia.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at