Jen. Gaafoow: Baasaboorka Cagaaran waxaa loo isticmaalaa argagixisanimo

Jen. Gaafoow: Baasaboorka Cagaaran waxaa loo isticmaalaa argagixisanimo

daajis.com:-Garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay tiro Baasabooro ah oo loo waday Somaliland, iyadoo dadkii waday gacanta laamaha amaanka ay ku jiraan, su´aallana la weydiinayo.

Taliyaha hoggaanka Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in 50 Baasaboor lagu qabtay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde, loona waday magaalada Hargeysa, isagoo tilmaamay in baasabooradaasi ay lahaayeen caruur Somaliland ah, kuna yaaleen Viso ay Safaaradda Sudan ee Muqdisho ku dhufatay.


Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in garoonka lagu qabtay Baasabooradii hore ee Cagaarnaa, kuwaasi oo uu ka digay qaadashadooda.

“Baasaboorka cagaaran waxaa loo isticmaalaa argagixisanimo, waxaa garoonka ku qabanay ilaa 42 baasaboorada cagaaran iyo kuwo kale oo baasaboorka E-Passort ah” ayuu yiri Jen. C/llaahi Gaafow oo sheegay in horay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen nin u dhashay wadanka Zanzibar kaasi oo ka yimid magaalada Telaviv ee dalka Israa’iil isagoo wata baasaboorka cagaaran.

Waxaa uu sheegay Jen. Gaafow in ninkaan ka yimid magaalada Telaviv ay ku socdaan baaritaano la xariira isticmaalka baasaboorka cagaaran, wuxuuna ka digay in baasaboorka cagaaran aan la isticmaalin ee ay dadku isticmaalaan baasaboorka Electronic-da ah.

Waxaa ay horay dowladda Somalia u mamnuucday in la qaato ama lagu safro Baasaboorkii hore ee cagaarnaa, qofkii lagu qabtana uu mudeysan doono ciqaab xabsi ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada