Ujeedka danjire Key uu u tagay Baydhabo

Ujeedka danjire Key uu u tagay Baydhabo

daajis.com:-Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa tagay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Key, wuxuuna kulamo gaar gaar ah uu la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka, xildhibanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulada is khilaafsan ee magaalada ka dhisan.

Ilaa hadda xog badan lagama hayo wax yaabaha uu kala hadlay dhinacyada uu la kulmay danjire Key balse wariyaasha ku sugan magaalada ayaa sheegaya in wax yaabaha ugu badan ee socdaalka Key ay la xiriirto siddii loo dhammeen lahaa khilaafka ka taagan maamul u sameenta gobalada koonfur galbeed iyo mid ka mid ah maamulada iska soo horjeedo uu meesha ka baxo.

Danjire Key ayaa ku biiray dedaalo uu wado guddoomiyaha baarlamaanka oo muddo toddobaad ka badan ku sugan Baydhabo.

Waxaa kaloo horey Baydhabo u gaaray guddi isku dhaf ah oo dowladda u xil saartay in ay dhisaan maamul seddax gobal oo loo sameeyo Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Ma cadda wax yaabaha ay ka badali doonto immaashiyaha danjire Key muranka ka taagan Baydhabo.

Magaalada waxaa kaloo ku sugan xildhibaanno la kala safan labada maamul kuwaasoo iyagana qeyb ku leh in xal laga gaarin maamulada iska soo horjeeda.

Dowladda Soomaaliya iyo QM ayaa taageersan maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Dowladda Soomaaliya waxay lee dahay maamuladan waa kuwa kumeel gaar ah oo u gogol xaaraya in la gaaro in la sameeyo maamul ay dadka soo dooran karaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada