daajis.com:-Inta la ogtahay 24 qof ayaa ku dhimmatay qarax xooggan oo goordhow
lala eegtay gaari rakaab ah oo marayay waddada isku xirta Muqdisho iyo
Afgooye
Goobjooge ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegtay in qaraxa
lala damacsanaa kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM balse waxay tiri
waxa uu qaraxa asiibay labo bas oo nooca Hoomeeyda loo yaqaano.
“Ilaa hadda dadka la socday labada caasi waa lakala garan la’yahay in
ay bahal iyo dad kala yihiin” ayey tiri gabar goojooga ah oo deggan
deeganka Lafoole oo arrinya mashaqada ay ka dhacday” Ayuu yiri.
Waxay kaloo sheegtay in goobta la xiray oo ay gaareen ciidamada
AMISOM iyo takhaatiir kuwaasoo ku howlan bal in ay badbaadiyaan dad
laakin waxay tiri uma maleenaayo in dad la badbaadiyay.
Qaraxa ayaa lala eegtay labo baabuur oo nooca basaska yarryar ah,
waxaana ay ka yimaadeen safar. Kooxda Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay
inay ka dambeysay dhacdadan foosha xun.
Qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka lagaliyo sidda ay sheegtay gabadha goobjoogaha ah.
Dadka dhaawacmay ayaa loo soo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho.
Ma jirto cid ilaa hadda sheegatay qaraxa lala eegtay baabuurka ay la socdeen dadka shacabka ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:57 and have
, Published at