Dhageyso: R/W hore ee SOMALIA oo ka hadlay arrin aysan weli ka hadal DFS

Dhageyso: R/W hore ee SOMALIA oo ka hadlay arrin aysan weli ka hadal DFS

daajis.com:-Iyadoo maalmahaani ay Madaxda dalka  isugu hanbalyeeynayeen Geerida Hoggaamiyihii Maleeshiyada Alshabaab Axmed Cabdi Godane, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Ra’iisul Wasaarihii hore Dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Maxmed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”.

Farmaajo oo Wareysisiiyay gaar ah siiyay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ka hadlay dilkii Axmed Godane iyo kaalinta uga aadan Dowlada Federaalka Somalia.

Farmaajo ayaa waxa uu sheegay in Geerida Godane ay fursad u tahay Dowlada, waxa uuna ku taliyay in Alshabaab lala furo wada-hadal maadaama kuwa la doortay ay ka duwanaan karaan kuwii hore.

Waxa uu sheegay in wada-hadalka ay la furan Al-shabaab kuwa nabada ogol islamarkaana looga faa’ideysto Dhimashada Axmed Godane.

“5-tii Cisho ee Dowladda Soomaaliya ay u qabatay Al-shabaab in ay isku soo dhiibaan  kuma Filna,waxaa loo baahan yahay dib u heshiisiin furan oo Al-shabaab lala galo si loo Ciribtiro Al-shabaab” ayuu yiri Farmaajo.

Dhanka kale, Farmaajo waxa uu ku nuux-nuuxsaday in dhalinyarada Alshabaab ay yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo xuquuq ku leh Dalka, loona baahan yahay in DF ay ku dadaasho sidii ay kusoo xira galin laheyd dhalinyaradaasi, xoogana ay Xukuumadu saarto sidii looga soo reebi lahaa Al-shabaabka Maskaxda ka qalday, iyadoo loo marayo qaab dib u heshiisiineed.

Waxa uu ku baaqay in DF ay tijaabiso Arrinta wada xaajoodka lala furo Kooxda maadama ay isbedeli karto Siyaasadaha ay ku dhaqmayeen xiligii uu noola Axmed Godane.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada