Al-Shabaab oo shaacisay magacayada saraakiishii lala dilay AXMED GODANE

Al-Shabaab oo shaacisay magacayada saraakiishii lala dilay AXMED GODANE

daajis.com:-Kooda Al-Shabaab ayaa beenisay wararka sheegaya in Hoggaamiyihii Kooxda Axmed Cabdi Godane ay la dhinteen sagaal sarkaal, balse waxa ay qiratay in lala diay kaliya laba sarkaal oo kale, oo la socday.

Al-Shabaab, ayaa qiratay in amiirkoodii ay la dhinteen laba sarkaal oo aad ugu dhowaa, markii la weeraray kowdii bishan, oo diyaaradaha Mareykanka ay duqeeyeen.
Xubno kooxdaas ku dhow ayaa u sheegay website ka mid ah garabyada Al-Shabaab, magacyada labadaas nin, waxayna kala yihiin;-
  1. Axmed Gureey oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Mareykanka. Nninkaasi ayaa waxaan weli la garan Magaciisa dhabta ah, balse saraakiisha kooxda Al-Shabaab ayaa ugu yeera Axmed Gureey, halka magaciisa labaadna uu yahay Abuu Mansuur Al-Amriiki waxa uu magac ahaan lawadaagay Sheekh Amriiki ee horey uu Axmed Godane u dilay.
  1. Sarkaalka labaad ayaa lagu Magacaabaa Maxamed Amiin waxaana uu kamid ahaa saraakiisha sida gaarka ah ugu dhaweyd Axmed Godane. Waxa uu sidoo kale ka mid ahaa Saraakiisha safarka ku wehlineysay Axmed Godane oo isna goobtaa ayuu ku dhintay.
Dhanka kale, waxaa la soo sheegayaa inuu aad u badnaa dhaawacyada soo gaaray Saraakiishii la soctay Hogaamiyihii geeriyooday, waxaana lagu dabiibayaa Isbitaalka Kooxdu ay ku leedahay Magaalada Baraawe.

Sirdoonka reer Galbeed-ka ayaa aaminsan in dhimashada Al-Shabaab ay ka badan tahay inta ay kooxda qiraneyso, balse Shabaab waxay ku adkeysatay kaliya 3 horjooge in laga dilay.

Wixii war ah ee kusoo kordhaa arimaha kooxda Al-shabaab waxaad kula socon doontaan wararkeena danbe insha alaah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada