daajis.com:-Toddoba qof ayaa ku dhimatay, sagaal kalana way ku dhaawacmeen dagaal ciidamada dowladda iyo Ururka Al-Shabaab xalay ku dhex maray deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii koox ka tirsan Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadday saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaankaas, sida uu Warbaahinta u sheegay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee deegaanka Ceelgaras, Col. Maxamed Kaahiye Carraale.
Taliyaha ayaa tilmaamay in khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca leh ee ka dhashay dagaalka uu gaaray Al-Shabaab, wuxuuna xusay inuusan jirin khasaare dhankooda gaaray.
Sarkaalka ayaa ballan-qaaday in ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab,
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at