EEDEYN:- AMISOM oo lagu eedeeyay kufsi ay u geystaan haweenka Soomaaliyeed

EEDEYN:- AMISOM oo lagu eedeeyay kufsi ay u geystaan haweenka Soomaaliyeed

daajis.com:-Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa lagu eedeeyay inay geysteen xadgudubyo ka dhan ah Haweenka Soomaaliyeed, iyadoo AMISOM ay ka daruufaha xaga bini´aadanimo iyo caawinaada ay u sameynayaan dadka danyarta ugu faa´iideysteen inay kufsadaan haween Soomaaliyeed.

Warbixin ay soo saartay Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa oo cinwaan looga dhigay “Sida ay Raggani nooga awood badan yihiin” ayaa waxaa lagu sheegay in wareysi ay hay´adda la yeelatay ilaa 21-dumar oo ay ku jiraan gabdho da’yar ah, kuwaasoo Ciidamada AMISOM ay kufsadeen, isla markaana u geysteen tacadiyo tan iyo sanadkii 2013-dii.

Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa warbixinteeda ku sheegtay in ciidamada ka kala socda Ugandha iyo Brundi ee ka howlgala xarumaha ay ku leeyihiin Muqdisho in falalkani tacadiyada dhanka galmada ah ay ka dhaceen, taasoo ay ku tilmaamtay Hay´adda wax laga xumaado.

Warbixinta hay’adda HRW ayaa ku talinaysa in Midowga Afrika iyo AMISOM ay dhiiri geliyaan hab-dhaqan aan marnaba loogu dul-qaadan karin arrimaha sharic darrada ah ee ka dhex dhaca gudaha saldhigyadooda.

AMISOM ayaa lagu eedeeyay in haween u soo raadsaday saldhigyada AMISOM kaalmo daawo ah iyo biyo la dhibaateeyay oo la kufsaday, sidoo kale waxaa lagu sheegay warbixinta inay adeegsadaan mukhalisiin Soomaali ah oo ay isticmaalaan xeelado kala gedisan oo haweenka loogu soo xero geliyo, kadibna ay la galmoodaan.

Waxaa kaloo ay Warbixinta ku talineysaa in Midowga Afrika iyo AMISOM ay sameeyaan ama xoojiyaan guddiyo u xilsaaran sida baaritaanka iyo edbinta oo wax ka qabto tacadiyada noocani ah iyo guddi baaritaan oo madax-bannaan oo ah heerka ugu sareeya Midowga Afrika.

Dhinaca kale Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa beeniyay warbixintan, isagoo ku tilmaamay inay tahay mid aan waxba ka jirin oo saameyneysa dhamaan dalalka wakiilka ka ah Midowga Afrika.

Col. Xumad ayaa sheegay in warbixintan aan wax su’aalo ah laga weydiin intii aan la soo saarin, taasna ay tahay wax aan la aqbali karin oo la doonayo in sumcada AMISOM wax loogu dhimo, isagoo tilmaamay in AMISOM u taagan tahay horumarinta iyo nabadeynta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee warbixintan ka soo baxday Human Rights Watch ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo Ciidamada AMISOM ay bilaabeen howl gal loogu magac daray Badweynta Hindiya, kaasoo Al-Shabaab loogaga saaray deegaano dhowr ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada