daajis.com:-Iyadoo maalmo ka hor ay Dowlada Mareykanka shaacisay inay duqeyn 
dhanka Cirka ah ku dishay Hoggaamiyaha Maleeshiyada Alshabaab Axmed 
Cabdi Godane iyo Horjoogayaal la socday, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay
 Taliska sare ee AMISOM.
General Silas Ntigurirwa oo ah Taliyaha Ciidamada Midawga Africa ee 
jooga Dalka Somalia, ayaa waxa uu sheegay in hadal heynta Geerida Axmed 
Madoobe ay tahay mid guul u ah Bulshada Caalamka gaar ahaan Bulshada 
Africa oo ay Soomaali koow ka tahay.
Taliyaha ayaa waxa uu hadalkaasi ka sheegay xili uu Warbaahinta kula 
hadlay Magaalada Bujunbura ee Caasimada wadanka Burundi, waxa uuna 
cadeeyay in Hoggaamka AMISOM ay aad usoo dhaweynayaan dhacdadii ku 
dhacday ALshabaab oo ay ku waayen Hoggaamiyahooda.
‘’Haddii ay rumowdo geerida hogaamiyaha Al-Shabab Axmed Cabdi Godane 
waa mid guul iyo farxad ay u tahay dadka ku nool guud ahaan qaaradda 
Africa gaar ahaan Bulshada Soomaaliyeed oo ka dhaqaaqi la Argagixisada’’
 Ayuu yiri General Silas Ntigurirwa
Isagoo hadalkiisa sii ambaqaadayo General Silas Ntigurirwa ayaa waxa 
uu yiri ‘’Inkastoo ay socoto xaqiijinta in Axmed Godane uu ku 
geeriyooday duqeyntii todobaadkaan ka dhacday gobolka Sh/hoose haddii ay
 dhabowdo waxa ay farxad iyo reyn reyn galineysaa shacabka ku nool 
Gobolada Dalka Somalia oo garanaaya dhibaatada Alshabaab’’
Dhanka kale, Wakaaladda wararka AFP oo soo xiganaysa ilo wareedyo ay 
ka heshay taliska ciidamada AMISOM ayaa sheegtay in hogaamiyaha 
Al-Shabab ay u badan tahay inuu geeriyooday, taasi oo keentay in 
Alshabaab xitaa ay ka hadli la’dahay Geerida Godane.
Ugu dambeyntii Taliyaha AMISOM General Silas Ntigurirwa, ayaa waxa uu
 sheegay inuu socdo howlgal adag oo ay ku baacsanayaan Kooxda Alshabaab,
 waxa uuna Tilmaamay inay ku doonayaan inay Al-Shabab kaga qabsadaan 
Magaalada Baraawe oo xilligaan xarun muhiim ah Al-Shabab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:02 and have
            
 

 
 
 
 
 
