M/weynaha oo furay kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka+ Sawirro

M/weynaha oo furay kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka+ Sawirro

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa maanta ka qeybgalay furitaankii kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka ugu horeyn ka hadlay Guddoonka Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari, isagoo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay afartii kalfadhi ee lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu ka hadlay Hindise Sharciyeedyada la rabo iney Baarlamaanku ansixiyaan kuwaasi oo muhiim u ah halka la hiigsanayo 2016ka sida, Federaaleynta, Garsoorka, Amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta Arrimaha Bulshada.

Prof. Jawaari ayaa sidoo kale ka hadlay ku xadgudubkii Nabadsugida ay ku sameysay Mudane ka tirsan Baarlamaanka isagoo sheegay in aysan marna ogolaan doonin in xasaanada xildhibaanimo lagu xadgudbo. Sidoo kale wuxuu digniin u diray Xildhibaannada maqan oo uu xusay inaanan loo dulqaadan doonin maadaama kalfadhigan 5aad Baarlamaanka ay horyaalaan howlo badan.xasan-baarlamaan-10

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Golaha Shacabka ka hor jeediyey Khudbaddiisa dastuuriga ah ayaa ugu horeyn ku dhawaaqay in uu furan yahay kalfadhiga Shanaad ee Baarlamanka.

“waxaa sharaf weyn ii ah inaan maanta furo Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” waxaana Golaha Shacabka uu ku ammaanay shaqooyinkii adkaa ee ay soo qabteen labadii sano ee lasoo dhaafay, daruuf walba oo ku hor gudbooneed, sidoo kalena Madaxweynaha waxa uu tacsi u diray Xildhibaannadii naftooda u huray diinta, karaamada iyo Qarannimada Umadda Soomaaliyeed.xasan-baarlamaan-1

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kooban Xildhibaannada ugu guud maray howlaha ugu waaweyn ee ay dowladdu ka qabatay dhinacyada Amniga, howlgallada deegaanno iyo degmooyin badan oo dalka ka mid ah looga xoreeyey Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab, hirgelinta iyo dhismaha maamul goboleedyada, shirarka dib u heshiisiinta ah ee ka socda magaalooyin ka mid ah dalka, dhismaha hay’adaha dowladda iyo toosintooda taasi oo horseeday buu yiri iney dowladdu bixiso mushaaraadka Ciidammada Qalabka Sida iyo shaqaalaha rayidka ah, hormarinta Waxbarashada Dalka iyo wanaajinta xiriirka dalalka deriska ah iyo kuwa caalamka.

Dhinaca kale Madaxweynaha dalka ayaa faah faahin ka bixiyey dacwad ay Dowladdu u gudbisay Maxkamadda caalamka oo la xiriirta Badda Soomaaliya iyo shirkado si sharci darro ah kheyraadka uga baaraya Dalka, Baarlamaanka ayuuna ka codsaday iney ku garab ku siiyaan qabashada howlahaasi, sidoo kalena waxa uu Madaxweynaha ka hadlay Hiigsiga 2016-ka, isaga oo Xildhibaannada Golaha Shacabkana ka hor ballan qaaday inaanay dhici doonin mudo kororsi ama dowlad xubnaheeda lasoo xulo, isla markaana ay dalka ka 






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada