Kenya:- oo dooneysa in lasoo cusbooneysiiyo heshiiskii badda ee C/raxmaan Cabdishakuur

Kenya:- oo dooneysa in lasoo cusbooneysiiyo heshiiskii badda ee C/raxmaan Cabdishakuur

daajis.com:-Dowladda Kenya ayaa waxa ay dowladda federaalka kala hadlaysaa sidii loosoo cusbooneysiin lahaa heshiiskii baarlamaanka Soomaaliya horey u diidey ee xagga badda ee uu la saxiixdey Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo markaasi ahaa wasiirka iskaashiga caalamiga ah.

Heshiiskii badda

Xeer Illaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai oo isagu u xilsaaran dacwadda dhul badeedka ee maxkamadda adduunka taala ayaa sheegey in wadahadalada in dacwadda ka sokoow, ay socdaan wadahadalo xagga dublumaasiyadda ah, kuwaasi oo ay Kenya ku dooneyso in ay kusoo cusbooneysiiso heshiiskii hore.

Heshiiskaasi oo uu buuq badan uu ka dhashay ayaa waxa uu ahaa kan saldhigga u ahaa sheegashada Kenya ee dhul badeedka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in waxyaabaha ay Kenya ku doodeyso maxkamadda adduunka uu heshiiskaasi ka midyahay.

Kenya ayaa abukaatayaal heer caalami ah u kireysatay dacwadda, waxayna dooneysaa in ay iska barbar socdaan dacwadda iyo wadaxaajoodka dublamaasiyadda, balse waxa ay aad u door bideysaa in isfaham lagu dhameeyo arrinka.
Horey waxaan u faafiney in fursadaha dacwadda maxkamadda adduunka ee Kenya ay aad u yaryihiin, sidaasi darteedna ay doonayaan in wadahadal lagu dhameeyo.

Madaxweynayaasha labada dal ayaa lagu wadaa in ay ku kulmaan dalka Maraykanka marka ay ka qeybgalayaan shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Maxkamadda adduunka ayaa fadhigeedii ugu horeeyey ka yeelanaysa dacwadda todobaadka soo socda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada