Qarax xoogan oo maanta ciidamada Amisom lagu Eegtay Magaalada Kismaayo.

Qarax xoogan oo maanta ciidamada Amisom lagu Eegtay Magaalada Kismaayo.

daajis.com:-Wararka ka imaanaayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbadda hoose, ayaa sheegaya in qarax khasaaro geystay saaka Magaaladaasi lagula eegtay gaadiid ciidanka Amisom ay leeyihiin oo maraayay Magaalada gudaheeda.

Khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa wuxuu soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta qaraxa Miinada lagula eegtay ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa ka socda Dowladda Burundi, balse waxaan la ogeyn ciidamada Amisom khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaasi kasoo gaaray.

Inta la xaqiijiyay lix ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, kuwaasi oo la sheegay inay yihiin shaqaalo ka shaqeynaayay goob dhisme ah oo ku taalo xaafadda Laanta Ganacsiga ee magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibaayo, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka Magaaladaasi.

Qaraxaan ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa kusoo aadaayo xilli Magaalada uu ka socdo shirweyne ku saabsan dib uheshiisiinta Beelaha dega Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.


Saraakiisha ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa ku waramaayo in ammaanka Magaalada uu yahay mid wanaagsan oo aan dhibaato ka jirin, lana xakameeyay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada