Arsenaal oo Shaacisay in Bisha Janaayo ay Lasoo Wareegeyo Laacibka kooxda PSG.

Arsenaal oo Shaacisay in Bisha Janaayo ay Lasoo Wareegeyo Laacibka kooxda PSG.

daajis.com:-sida ay ku warameyso jariirada Daily Mirror Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa iskuday cusub waxa uu ku doonayaa da’ yarka kooxda PSG Adrien Rabiot.

19 jirkaan khadka dhexe Ayaa xagaagii Hore markii uu furnaa suuqa kala iibsiga waxaa si aad ah u doonayay Macalinka Arsenal Balse waxa uu ku guuldareystay inuu heshiis la gaaro Xiddigaasi Ka tirsan PSG.

Wenger ayaa weli isku dayaya inuu helo Rabiot, waxaana ay Arsenal u laaban doontaa xiddigan bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga Ciyaaryahanada.

Gunners ayaa lacag Hoseya ku heli karta da’ yarkaan madaama uu qandaraaskiisa PSG ku egyahay xagaaga soo socda, mana muuqato weli calaamad qandaraaska loogu kordhinayo.

Kooxda AS Roma ayaa Sidoo kale kula tartameysa Arsenal saxiixa xiddigaan kooxda Talyaaniga ayaa iyaga Qudhoodaba doonayay bishii hore inay soo xerogeliyaan Xiddigaani Qalbada Dhexe ka Ciyaara.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada