Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku tegay Baydhabo

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku tegay Baydhabo

daajis.com:-Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa barqadii maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ra'iisul wasaare Cabdiweli Sheekh iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo kula kulmaan xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa oo horey ugu sugnaa magaalada,

Booqashada Ra'iisul wasaaraha ee Baydhabo oo ahayd mid aan horey loo shaacin ayaa la rumeysan yahay inay la xiriirto dadaallada socda ee maamul u sameynta gobollada koonfur galbeed Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka socda Itoobiya ayaa aad u adkeeyay amaanka garoonka Baydhabo.

Ra'iisul wasaaraha ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu booqasho ku tego degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, halkaas oo dhowaan lagala wareegay kooxda Al-Shabaab.


Weriyeyaasha ayaa loo diiday inay gaaraan garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaas oo uu ku sugan yahay ra'iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada