MUCJISO VIDEO:- Gabar 18 jir ah oo loo guuriyay Eey.

MUCJISO VIDEO:- Gabar 18 jir ah oo loo guuriyay Eey.

daajis.com:-Mangli Munda oo ah 18 jir u dhalatay dalka India ayaa loo guuriyay xayawaanka Eey-ga, waxaana kasoo qeybgalay xafladdii guurka Mangli iyo Eey la yiraahdo Sheru.

Odayaasha magaalada xaafada Jharkhand ay degan ayaa amray in gabadhan 18 jirka ah guursato Eay si ay ugu badbaado halis nolosheeda danbe ku imaan karta.
,"'Markaad guursado Eey waa jidka kaliya ee laga takhalusi karo nasiib xun" sidaasi waxaa yiri Aabaha dhalay Mangli oo lagu magacaabo Sri Amnmunda.

Xaafada ay ku nooshahay gabadhani ayaa qeyb ka mid ah dhaqamada looga dhaqmo ay qeyb ka tahay guurkaani, iyadoo ay aaminsan yihiin in haddii aysan aqbalin odayaasha warkooda ay nasiibkeeda uu noqon doono mid xun oo nolol adag ay wajahi doonto.


Mangli waxay sheegtay inaysan ku faraxsaneyn guurka eeyga, laakiin ay qasab ku tahay ajiibka warka odayaasha iyo aabaheed, mustaqbalkana ay rajeyneyso inay guursato nin caadi ah oo nolosha ay la qeybsato.   

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA IYO SAWIRRADA AROOSKA



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada