Xog:- Muhiim ah:Magacyada hogaamiyaasha Al-Shabaab Ee la dilay oo la soo bandhigay.

Xog:- Muhiim ah:Magacyada hogaamiyaasha Al-Shabaab Ee la dilay oo la soo bandhigay.

daajis.com:-Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka {Drone} ayaa duqeyn ku dilay Saraakiil ka tirsan horjoogayaasha Al-Shabaab xilli ay marayeen inta u dhaxeeysa tuulooyinka Tubaako iyo Haawaay ee gobolka Shabeeladda hoose.waxaana la xaqiijiyay inay horjoogayaasha Al-Shabaab la socdeen laba ka mida Baabuurta Amiirkooda u gaarkaa.

Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Mareykanka ee ka hoowlgala Geeska Afrika ayaa sheegay in baarista DNA lagu sameeyay hilbihii go-go-ay ee Ciidanka Kumaandooska Mareykanka ka soo qaadeen goobtii lagu duqeeyay baabuurteey saarnaayeen.

Ila wareedyo ka tirsan Amniyaatka Al-Shabaab ayaa ku xog waramay in duqeynta lagu dilay lix Sarkaal oo ay ka mid yihiin:-

1- hogaamiyaha Al-Shabaab Ahmed Godane oo hore ilaaladiisa u dhaawacday ,wuxuu u dhashay qabiilka Dir,Isaaq -Arab
2-Madaxa Amniyaatka Mahad Karataay.Wuxuu u dhashay Hawiye ,Habargidir Ceyr.

3- Afhayeenka Hoowlgalada Al-Shabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab ,wuxuu u dhashay qabiilka Daarood gaar ahaan Mareexaan.

4-Xoghayaha Gaashaandhiga Farhan Mohamed Kaahiye wuxuu u dhashay qabiilka Hawiye gaar ahaan Habargidir Saleebaan.

5-Gudoomiyaha gobolka Jubadda dhexe Cabdiraxman Xudeyfi wuxuu u dhashay qabiilka Dir gaar ahaan Gaadsan.

6-Amniyaatka Shabeelladda Hoose ahna Madaxa Mutafajiraatka Xasan Xareed ,wuxuu u dhashay qabiilka Dir gaar ahaan Fiqi Muxumud .

Dad goobjoogayaala ayaa sheegay in markii duqeynta dhacday kadib ay diyaaradaha qumaatiga u kaca daadiyeen Ciidamo sidaasna ay ku qaateen meydadkii ku dhex jiray baabuurta gantaalada lala helay.

Si kastaba ha ahaatee,ma ahan markii ugu horeeysay ee Diyaaradaha Mareykanka gantaal ku dilaan Saraakiil Al-Shabaab ah,waxaana u dambeeyay horjooge lagu magacaabi jiray Cabduqadir Cameey SAHAL ISKU DHUUQ.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada