News:- Agaasimaha Radio Dalsan Xasan Cali Geesey oo xoriyadiisa dib u helay

News:- Agaasimaha Radio Dalsan Xasan Cali Geesey oo xoriyadiisa dib u helay

daajis.com:-Agaasimaha Radio Dalsan ee xaruntiisa tahay magaalada Muqdisho Xasan Cali Geesey ayaa xoriyadiisa dib u helay, kadib 24-saac oo uu ku xirnaa Xarunta Nabadsugida Gobolka Banaadir ee Godka Jilacow.

Mr Geesey oo ah Gudoomiyaha Dallada Midowga Suxufiyiinta Madax banaan ee SIMHA ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in xoriyadiisa uu dib u helay, isla markaana uu dib ugu laabtay xaruntiisa shaqo.
“Xoriyadeeda dib ayaa u helay, kadib 24-saac oo aan xirnaa, waxaa uga mahad celinayaa dhamaan intii ka qeyb qaadatay sii deynteeda, waxaa ku suganahay hada xarunteeda shaqo”ayuu yiri Agaasimaha Radio Dalsan oo khadka taleefanka kula hadlay Jowhar.com.
Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Nabadsugida ay xarunta Idaacada Dalsan ka kaxeysteen Agaasimaha Radio Dalsan Xasan Cali Geesey iyo Abuubakar Xashara, inkastoo markii hore la sii daayay Xashara.
Arrimaha loo xiray ayaa aheyd wareysi uu siiyay habeen ka hor Idaacada VOA, kaasoo ku saabsanaa kulan Agaasimayaasha Warbaahinta Muqdisho iyo Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir dhex maray, waxaana warbaahinta lagu amray in aysan ka hadli karin wararka Al-Shabaab la xiriira iyo arrimaha howl galada.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Taliska Nabadsugida Gobolka Banaadir oo la kulmay Madaxda Warbaahinta Muqdisho uu ku amray in aanay sii deyn karin wararka ku saabsan Al-Shabaab, isla markaana ka hadli karin arrimaha howl galada, taasoo cida kaliya ee ka hadli kartana uu yahay Afhayeenka Wasaarada Amniga Maxamed Yuusuf.
Laakiin Bahda warbaahinta ayaa ku dooday in amarkan aan loo loo soo marin Wasaarada Warfaafinta, isla markaana aanu aheyn wax rasmi ah oo ay toos u dhaqan gelin karaan, maadaama amarkaas uu afka kaliya ku siman yahay.
Sii deynta Xasan Cali Geesey ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo wali ay xiran yihiin Agaasimayaasha Idaacadaha Shabelle iyo SKY FM, oo ay dowladdu ku eedeysay inay hurinayeen colaad iyo kicin beeleed, iyadoo idaacadana ay wali hawada ka maqan tahay, oo albaabada la isugu dhiftay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada