Wararkii ugu dambeeyay kulamada siyaasadeed ee ka socda magaalada Baydhabo

Wararkii ugu dambeeyay kulamada siyaasadeed ee ka socda magaalada Baydhabo

daajis.com:-Iyadoo magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari, Wasiiro, Xildhibaano iyo Gudiga maamul u sameynta saddexda gobol ayaa waxaa ka socda kulamo siyaasadeed xoog leh, kaasoo qorshihiisa yahay in lagu soo afjaro khilaafka ka taagan Maamulka Koofur galbeed.

Ilaa 20-xildhibaan oo uu hogaaminayay Gudoomiyihii u hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa shalay ku biiray wafdigii uu hogaaminayay Prof. Jawaari ee ku sugnaa magaalada Baydhabo, iyadoo ay qeyb ka yihiin wada hadalada lagu xalinayo khilaafka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiinta iyo xubnaha Maamulka lixda gobol uu hogaamiyo Madoobe Nuunow.
Kulamadan ayaa intooda badan lagu falan qeynayay sidii loo mideyn lahaa maamulada iska soo horjeeda ee ku sugan Baydhabo, isla markaana loo dhameyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee bilihii la soo dhaafay ka jiray magaalada.
Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa maskaxdii ka dambeysya maamulka saddexda gobol ee dowladda Soomaaliya ay aqoonsatay ayaa ka wada magaalada Baydhabo shirar uu ugo gogol xaarayo dhameysirka dhismaha maamulka saddexda gobol.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Shariif Xasan doonayo inuu isu soo sharaxo Madaxweynaha Maamulka saddexda Gobol oo qorshihiisa yahay in dhowaan lagu doorto magaalada Baydhabo, marka la dhiso Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed ee saddexda Gobol.
Laakiin garabka uu hogaamiyo Madoobe Nuunow ayaa ka soo horjeeda inay raacaan maamulka saddexda gobol, waxayna taa bedelkeed diyaar u yihiin in wada hadalo la galaan Maamulka Jubba, si lixda gobol loo mideeyo, taasoo ah mid adag oo aan u cuntami karin wafdiga ku sugan Baydhabo.
Wariyeyaasha ku sugan Baydhabo ayaa sheegaya inay adag tahay in la helo tanaasul siyaasadeed oo xilligan laga gaaro khilaafka siyaasadeed, marka loo eego shuruudaha adag iyo caqabadaha wali jira.
Lama oga sida Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari uga guuleysan karo mideynta kala aragti duwanaanshaha ka taagan magaalada iyo isu soo dhoweynta dhinacyada iska soo horjeeda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada