Al-Qaacida oo ku dhawaaqday inay ka howl galeyso India iyo Koofur Aasia

Al-Qaacida oo ku dhawaaqday inay ka howl galeyso India iyo Koofur Aasia

daajis.com:-Hogaamiyaha Al-Qaacida Ayman al-Zawaahiri oo soo diray muuqaal ayaa ku dhawaaqay inay xafiis cusub ka furteen India oo ay kaga howl galayaan Koofurta Asia, si ay uga taagaan Calanka Jihaadka.

Muuqaalkan oo soconayay 55-daqiiqo ayaa balan qaaday inay dib u cusbooneysiiyeen garab-istaaga iyo u daacad ahaanshaha Hogaamiyaha Talibanka Afganistan Mullah Omar.
Waxaa uu sheegay in faraca cusub ee India ay noqon doonto mid isku xirta Muslimiinta ku nool dalalka Bangaladesh, Pakistan, Burma, Maamul goboleedka India ka jira ee dadka muslimiinta ay ku nool yihiin iyo Gobolka Kashmiir.
“Al Qaacida xaruntiisa cusub ee India waa fariin cusub oo Muslimiinta ku nool Burma, Bangladesh iyo Maamulada India ka jira, sida Assam, Gujarat, Jammu iyo Kashmiir, halkaasoo aan Muslimiinta ku nool ee dhibaatada iyo cadaalad darada lagu haayo aan ku soo furan doono”ayuu yiri Ayman Al-zawaahiri.
Al-Qaacida ayaa ka howl gala dalal badan, sida Waqooyiga Afrika, Gacanka Carabta iyo dalal kale oo ay Soomaaliya ku jirto, waxaana u weecashadooda dhanka Koofur Aasiya loo arkaa mid kooxdu ay awoodeeda ku baahineysao.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada