R/wasaare Cabdiweli oo la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska

R/wasaare Cabdiweli oo la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa xalay ka qaybgalay munaasabad balaaran oo ka dhacday magaaladda Birimingham ee dalka Britain.


Munaasabadaan ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ay ku soo dhoweynayeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa oo London u yimid ka qayb-galka  shir gaar ah oo diiradda lagu saarayo amniga iyo tayaynta ciidamadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay boqolaal Soomaali ah ayaa ka warbixiyay horumaradda ay dawladda Soomaaliya ku talaabsatay iyo dadaalka ay ugu jirto xoojinta amniga, xoraynta goobaha ay wali dalka kaga sugan yihiin kooxda Al-Shabaab, dhismaha Maamulada, hirgalinta nidaamka Federaalka, dib u heshiisiinta, suuragalinta in 2016 ay dhacdo doorasho. Waxaana uu kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ka gaystaan dadaaladda socda.

“ Waxaan ugu baaqayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Britain in ay gacan ka gaystaan dib-u-dhiska dalka Soomaaliya ee dawladdu ay ku howlan tahay kadib burburkii xooganaa ee dalka ka dhacay. Waxaa loo baahan yahay in aqoontiina iyo khibradiina aad uga faa’iidaysaan dalka Soomaaliya oo xiligan ay dawladdu ka wado dadaalo lagu hubinayo in mar kale dib loo soo celiyo sharftii Soomaaliya.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa galabta waxaa uu khudbad ka jeediyay xarunta Chatham House isagoo ka hadlay howlgaladda ka socda dalka ee kooxda Alshabaab looga xoraynayo goobaha ay wali kaga harsan yihiin dalka Soomaaliya.


Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ayaa ka hadlay shirka ay London  uga qeyb-geli doonaan in muhiimaddiisu ay tahay sidii loo dardargelin lahaa dhismaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed si loo soo celiyo dhammaan awooddii ciidammada Xoogga, waxa uu intaa raaciyey in ujeedada ka dambeysana ay tahay in sannadka 2016-ka guud ahaan amniga waddanka ay ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed  la wareegaan, islamarkaana ciidammada AMISOM howlgalkooda uu intaa ku ekaado.

DHAMAAD:

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada