Somaliland la gartaye Maxaa kalifaya in Puntland miciin bido ku biirida Ethiopia -Qormo

Somaliland la gartaye Maxaa kalifaya in Puntland miciin bido ku biirida Ethiopia -Qormo

daajis.com:-Warbixin ku soo baxday afafka Amxaariga iyo English-ka oo lagu soo daabacay todobaadkan website laga leeyahay dalka Ethiopia, ayaa lagu sheegay in maamulada Somaliland iyo Puntland ay xukuumada Addis Ababa u gudbiyeen hindise ah inay ka mid noqdaan dalweynaha Ethiopia.

Warxibinta waxaa kaloo lagu sheegay in haddii uu meel maro hindisahan ay maamuladan iska kaashan doonaan dhinacyada, siyaasada, amniga iyo ganacsiga gobolka, iyadoo ay wadaagi doonaan magaca EthioMalia oo laga soo gaabiyay Ethiopia iyo Somalia.

Ethiopia ayaa iyadu muddaba ku taamaysay inay qeyb ka hesho dhulka weyn ay xeebta ku dherarsan ee Somalia oo dadkeeda ay ku kala irdhoobeen dagaalo-sokeeye, waxayna xukuumada Addis Ababa xooga saaraysaa inay hesho dhul iyadu ay maamusho oo xeeb leh meel ka mida dhulka Somalia. Somalia-map1
Deeganada labadan maamul ee Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa ka jira nabad iyo xasilooni marka loo eego koonfurta Somalia.

Hindisahan EthioMalia, waxa uu caro xoogan ku keeni karaa dad badan oo Soomaaliyeed oo aaminsan in Ethiopia ay weligeedba ka shaqeenaysay inay sii kala qeybiso laba qeybood ee ka haray Shantii Somalia.

Ethiopia waxay weligeedba ku riyoonaysay oo ay howl badan u gashay sidii ay u maamuli laheyd deegaanada ku xeeran ay nabad uga dhalan laheyd, iyadoo aamisan in haddii deriskeeda uusan nabad aheyn aysan horumar gaari karin.

Lama oga waxyaabaha ku kalifay in labadan maamul ee Somaliland iyo Puntland ay u bandhigaan Ethiopia inay dalkeeda ku biiraan, laakiin waxaa loo maleynayaa iyadoo Hargeysa iyo Garowe aysan ku qanacsaneyn hanaanka ay dowladda Federaalka Somalia wax u wado.

laa hadda lama oga jawaabta ay dowladda federaalka Soomaaliya ka bixin doonto hindisaha ay Puntland iyo Somaliland kula midoobayaan Ethiopia, waxaase muuqata in muran badan uu ka dhalan doono arrintan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada