Qaxooti Kurdiyiin ah oo ku qulqulaya dalka Turkiga iyagoo ka soo cararaya dagaalada dalka Siiriya

Qaxooti Kurdiyiin ah oo ku qulqulaya dalka Turkiga iyagoo ka soo cararaya dagaalada dalka Siiriya

daajis.com:-Ugu yaraan 45,000 oo badankood ah Kurdiyiin ayaa u soo gudbay wadanka Turkiga 24kii saac ee la soo dhaafay kadib markii ciidamada ururka IS ay u soo ruqaansadeen Waqooyiga dalka Siiriya.

Xukuumada Turkiga ayaa u furtay qaxootiga Siiriyiinta ah xadkeeda Jimcihii kadib markii magaalada ay Kurdiyiinta ay degen yihiin ee Kobane ay bilaabeen dadkii ku noolaa inay qaxaan.

Dagaalyahano Kurdiyiin ah oo tiradoodu gaareyso 300 ayaa ka gudbay xadka Turkiga iyagoo gudaha u galay wadanka Siiriya si ay caawiyaan daafaca magaalada muhiimka ah.

Ururka IS ayaa maamula dhul ballaaran oo ka mid ah Siiriya iyo dalka Ciraaq waxayna la wareegeen dhul ku dhow magaalada Kobane oo sidoo kale loo yaqaan Ayn al-Arab.

Wadanka Turkiga oo xad la leh wadamada Siiriya iyo Ciraaq ayaa waxaa hore ugu sugnaa qaxooti tiradoodu gaareyso 847,000 tan iyo markii kacdoonka loogaga soo horjeedo madaxweyne Bashar al-Assad uu bilowday saddex sano ka hor.

Dhinaca kale 46 ruux oo Turkiyiin ah iyo saddex u dhashay dalka Ciraaq oo afduub ay u haysteen ururka IS ayaa la sii daayay kadib markii howlgal ay sameeyeen ciidamada sirdoonka dalka Turkiga.

Dadkan afduubka loo haystay ayaa lagu qabsaday qunsuliyada Turkiga uu ku lahaa magaalada Mosul kadib markii ay magaaladaas gacanta ku dhigeen ururka IS bishii June ee sanadkan.

Soddon dal ayaa ku deeqay in ay ku biiriyaan ciidamada uu horkacayo dalka maraykanka ee la qorsheynayo in ay la dagaalamaan ururka Daacish balse dowlada Turkiga ayaa hore u sheegtay inay oggolaanayso oo kaliya in wadankeeda la dhex mariyo gargaarka aadanaha ah oo kaliya loo isticmaalo xarumaha Nato ee dalkeeda.


Waxaana dalka Turkiga ugaga imanaya cadaadis xoog leh wadamada reer Galbeedka kuwaasoo doonayo in laga hortago qulqulka dagaalyahanada ajaaniibta ah ee ku sii qulqulaya dalka Siiriya kuwaasoo sii dhex maraya wadanka Turkiga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada