Dowladda oo heshey adeeg lacag la’aan ah oo lagu soo celinayo hantida xayiran

Dowladda oo heshey adeeg lacag la’aan ah oo lagu soo celinayo hantida xayiran

daajis.com:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshey adeeg lacag la’aan ah oo ay iska kaashanayaan sanduuqa lacagta adduunka ee IMF iyo Laanta la dagaalanka daroogada iyo dambiyada ee Qaramada Midoobey, kaasi oo dib loogu soo celinayo hantidii Soomaaliya horey ooga xayirantay.

IMF

Hawshani ayaa horey dowladda waxa ay qandaraas kula gashay shirkadda Shulman Roggers, taasi oo ka qaadaysay dowladda boqolkiiba %11 lacagta ama hantida ay soo dhiciso.

Haatan heshiiskaasi Shulman Roggers ayaa dib u eegis lagu samaynayaa, waxayna u badantahay in gabi ahaanba meesha laga saaro.

Dad badan waxay isweeydiinayaan sababta lacag loogu bixinayay adeeg lacag la’aan lagu heli karay.

Dib u eegista lagu samaynayo heshiiska Shulman Roggers ayaa waxa uu ka mid yahay heshiisyo illaa 9 gaaraya oo dowladda ay horey u gashay, kuwaasi oo dhamaantood dib u eegis lagu samaynayo, waxayna arrinkani ka dambaysay kadib markii gudiga isku dhafka ah ee maaliyadda (Joint Financial Management ) oo ay xubno ka yihiin beesha caalamka ay ogaadeen in heshiisyadaasi dhamaantood ay waxyaabo ka qaldanaayeen, tahayna in dib u eegis lagu sameeyo.

Wasiirka maaliyadda Xusseen Cabdi Xalane ayaa warqad u qorey dhamaan shirkadaha qandaraaska lala saxiixday, waxaana socda wadahadalo dowladda iyo shirkadaasi u dhaxeeya oo la doonayo in wixii qaldamay lagu soxo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada