Soomaalida Sweden oo gashay baarlamaanka Wadankaas

Soomaalida Sweden oo gashay baarlamaanka Wadankaas

daajis.com:-Doorashadii Sweden ka dhacday axadii la soo dhaafay waxay ahayd mid taariikhii ah marka laga hadlayo tirada musharaxiinta Soomaalida ee u sharaxnaa in ay soo galaan baarlamaanka Sweden. 23 musharax ah oo Soomaali ayaa ka qeyb qaadatay doorashada balse tirada soo gashay ayaa noqotay mid aad u yar.

Xildhibaanada Soomaalida ee ilaa hada soo galay baarlamaanka ayaa ah hal qof oo keliya.

Ugu horeyn waxaa baarlamaanka markale kursi ka helay Amir Adan oo ka tirsan xisbiga Moderaterna (M). Amir ayaa ka mid ahaa xildhibaanada Soomaalida ee horay ugu jiray baarlamaanka isagoo hada sii wadaya shaqadiisa. Xisbiga Moderaterna (M) ayaa guud ahaan 10 kursi ka helay magaalada Stockholm, iyadoo Amir uu safka kaga jiray nambarka lixaad.


Dhinaca kale, waxaa jidha tiro fiican oo Soomaali kuraas ka helay golaha degmooyinka Sweden, mowduuc kale ayaan ku eegi doonaa dadka kuraasta ka helay degmooyinka iyo gobolada.

Haddaan nahay bahda Somaliska waxaan leenahay Amir iyo Mursal hambalyo iyo shaqo wacan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada