Ururka ISIS oo soo bandhigay saxafi British ah oo ay afduub u haystaan(Daawo Sawirada)

Ururka ISIS oo soo bandhigay saxafi British ah oo ay afduub u haystaan(Daawo Sawirada)

daajis.com:-Ururka ISIS ayaa soo bandhigay cajalad muuqaal ah taasoo uu ka soo muuqday saxafi u dhashay dalka Britain oo sheegaya in uu yahay maxbuus u xiran IS.

IS ayaa hore waxa ay surka uga goysay saddex ruux oo ay afduub u haysteen kuwaas oo labo kamid ah ay ahaayeen saxafiyiin Maraykan ah iyo nin British ah kaasoo ahaa shaqaale u shaqeynayay hay’ad samafal.

Ninkan muuqaalka lagu soo bandhigay ayaa xirnaa dharka maxaabiista waxana magaciisa lagu sheegay John Cantlie.Cajalada muuqaalka ah ayuu saxafigan su’aal ka keenay sababta ay dowladaha Maraykanka iyo UK ay u dayaceen dadkooda ay qabtaan ururka IS.

Muuqaalkan la soo duubay ayaa loogu magac daray “I amaahiya dhagahiina” waxana loogu talogalay shacabka reer Galbeedka Saxafigan ayaa sheegay in dadka kale ee ka soo jeeda wadamada kale ay wadahadal ka galaan dadka laga haysto balse Maraykanka iyo UK ay si kale wax u fahmaan.

Waxana uu sheegay saxafigan oo wadamada uu ka soo shaqeeyay ay ka mid tahay dalka Soomaaliya in uu sharixi doono falsafada IS muuqaalo kale oo la soo bandhigi doono. Saxafigan afduubka loo haysto ayaa sheegay in muuqaaladii hore ee uu ururka IS soo bandhigi jirey ay ahaayeen kuwo loogu talo galay hogaamiyaasha Maraykanka iyo Uk balse fariintan ay tahay mid ku socota bulshada Britain gaar ahaan kuwa Muslimka ah.

Waxaana ka muuqanaya hadalada saxafigan in ujeedooyinka IS si qalad ah ay u tarjumeen saxaafada reer Galbeedka balse uu ku sharixi doono runta IS barnaamijyo soo socda oo uu soo bandhigi doono.

Illaa iyo hadda mar jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumada Britain iyadoo la ogyahay in dalka Britain ay qeybo ka mid ah shacabkooda u dareereen doorasho wax ka bedeli karta muuqaalka caalamka ee Britain.

Saxafigan la soo bandhigay John Canlie ayaa ah weriye wararka qora isla markaana ah sawir qaade waxana uu ka soo shaqeeyay wadamo ay ka mid yihiin Soomaaliya,Syria,Iraq,Afghanistan iyo Libya. Waxana uu wax ku qori jirey wargeysyo caalami ah sida Sunday Times, the Sunday Telegraph, Esquire, GQ iyo Top Gear magazine.

Waa markii labaad ee saxafigan lagu afduubto gudaha Syria waxaana uu u afduubnaa mid kamid ah kooxaha ka dagaalama Syria muddo toddobaad ah July 2012, balse waxaa soo badbaadiyay Ciidamada Xoreynta Syria. Hase yeeshee isla dhamaadkii sanadkii 2012dii ayuu dib ugu laabtay Syria waana markaas marka la afduubtay saxafigan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada