Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo xafiis ka furanayso magaalada Kismaayo

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo xafiis ka furanayso magaalada Kismaayo

daajis.com:-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa ku dhawaaqay in Wasaaradiisa ay xafiis cusub ka furan doonto magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka KMG ah ee Jubba.


Wasiir Goodax oo ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada ee ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaa sheegay inuu go’aan ku gaaray in xafiiska wasaaradiisa ka furaneyso Kismaayo uu noqdo mid isku xira Maamulkaas iyo dowladda dhexe iyo sidii shacabka Jubooyinkana uga heli lahaayeen wixii adeeg ah ee ay wasaaradu heyso, iyagoo aanan u baahan doonin inay u soo safraan Caasimada Muqdisho.

“Xafiiska cusub ee Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dhowaan ka furan doonto Kismaayo wuxuu shacabka deegaanada u sahli doonaa in wixii howl ama adeeg uga baahdaan inuu u fuliyo, bedelkii ay magaalada Muqdisho u soo safri lahaayeen”ayuu yiri Mr Goodax

Waxaa uu sheegay in 13-ruux oo howl wadeeno qibrad leh ay ka howl geli doonaan xafiiska cusub ee magaalada Kismaayo, isagoo cadeeyay in sida ugu dhaqsiyaha badana ay xafiis uga furan doonaan Gobolada Jubada Dhexe iyo Gedo.


Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ugu baaqay Maamulka KMG ah ee Jubba inuu gacan ka geysto furitaanka xafiiska cusub iyo sidii uu uga shaqo bilaabi lahaa magaalada Kismaayo.

Shirweynaha dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Kismaayo ayaa galay maalintii labaad, iyadoo shirkan la filayo inay ka soo baxaan qodobo la xiriira sidii maamulka Jubba loo dhameystiri lahaa, isla markaana beelaha goboladaas ay mid uga noqon lahaayeen maamulkan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada