Xamas & Fatax oo ku heshiiyey maamulka Falastiin

Xamas & Fatax oo ku heshiiyey maamulka Falastiin

daajis.com:- Labada xisbi ee Falastiin ee ku loolamayey siyaasada ayaa heshiis kasoo saaray wadahadalo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday caasimada Masar ee Qaahira.

Labada xisbi ayaa ku heshiiyey in ay wada dhisaan dowlad ay ku mideysan yihiin, waxayna sidoo kale ku heshiiyeen in maamulka Gaza lagu wareejiyo dowlada Falastiin ee uu hogaamiyo Maxamuud Cabaas.

Marinka Gaza oo burbur xoogleh kasoo gaaray duulaankii Isra’iil ayaa waxaa in muddo ah soo maamulayey xisbiga Xamaas.

Heshiiska Xamaas iyo Fatax ayaa lagu doonayaa in irida loogu furo dib u dhisida Gaza iyo sidii loo mideyn lahaa dhinacyada siyaasada ee reer Falastiin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada