Xildhibaano:- ka soo jeeda Shabeellaha Dhexe oo ka soo horjeestay magacaabistii Gudoomiye kuxigeenada

Xildhibaano:- ka soo jeeda Shabeellaha Dhexe oo ka soo horjeestay magacaabistii Gudoomiye kuxigeenada

daajis.com:- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta ka soo horjeestay magacaabistii Gudoomiye kuxigeenadii Gobolka, iyagoo ku tilmaamay wareegtadii ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha mid aan dhaqan geli doonin.

Kulan Xildhibaanadaas ku yeesheen mid ka mid ah Hotelada Muqdisho ayay ku sheegeen in magacaabistaas aysan sharciga waafaqsaneyn, isla markaana uu Wasiirku kala tashan Xildhibaanada deegaanka.

Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ka mid ahaa Xildhibaanadii kulanka ka qeyb galay ayaa wareysi uu siiyay Idaacada BBC-da ku sheegay in arrintaas ay tahay wax aan la aqbalin, isla markaana Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre uu magacawday shaqsiyaad uu keensaday.

“Runtii aad baan uga xunahay in Wasirka Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre in maanta Xildhibaanadii deegaanka ka soo jeeda oo halkan joogo intuu gaar maro, oo uu awoodiisa adeegsado, isago xubno uu meelaha ka soo aruursaday uu geysto xilalna u magacaabo, waliba awood xileed ee uu haayo uga faa’ideysto qabiil ama jufoo asiga ka soo jeeda inuu magacaabo aad iyo aad ayaa uga xunahay”ayuu yiri Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Wasiirka uu iska indha tiray shuruucdii dalka u taalay ee maamul u sameynta, isla markaana dadka uu magacawday uu keligiis ku yahay oo aanay jirin wax wada tashi ah oo la qaatay Xildhibaanada.


“Wuxuu ka been sheegay Xildhibaanadii deegaanka ayaa la tashay ayuu yiri, arrintaas wax sax ah ma ahan, waa wax aan la qaadan karin, wax uu nagala tashtay ma lahan, waa wax isaga keligiis ku ah, wax inta guri uu isku soo xiray, isagoo dano gaar ah, waliba dano qabiil ah ka dhex guuxayaan ayuu qoray, Wasiirka wuu qaldamay wareegtadaas sax ma ahan, mana ka dhaqan galeyso”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow.

Waxaa uu sheegay in horay Kuxigeenada Gudoomiyaha Gobolka uu ahaa saddex, balse haatan uu afar kuxigeen ka dhigay Wasiirka, waxaana uu xusay in mid ka mid kuxigeenada uu keenay uu isaga wato, isla arkaana booskaas uu ka xoogay qabiil kale sida uu yiri.

Shalay ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha lagu magacaabay ilaa afar kuxigeeno Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Xoghaye guud, taasoo ka dhalatay qeylo dhaan iyo buuq ay ka keeneen qabaa’ilka ku dhaqan Shabeelaha Dhexe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada