Xog Cusub:- R/Wasaare Cabdi Weli Sheekh oo ay Britain ku heysato arrin xasaasi ah

Xog Cusub:- R/Wasaare Cabdi Weli Sheekh oo ay Britain ku heysato arrin xasaasi ah

daajis.com:-Warar lagu kalsoon yahay oo laga helaayo dhanka Wufuuda Dowlada Federaalka Somalia ee Ingriiska xiligaani Jooga, ayaa sheegaya in Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed uu Madaxda Dalka Britain gaar ahaan Xoghayaha Arrimaha dibada Dalkaasi kala hadlay Arinta Safaarada Somalia ee Britain oo xiligaani ah Safiir la’aan, kadib markii halkaasi laga soo ceyriyay Safiirkii ku magacawnaa.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ra’isulwasaaraha Somalia lagu wargaliyay in Dowlada Britain aysan xiligaani aqbali doonin Safiir loo soo magacaabo Safaarada oo gaf ama sharaf dhac u geysta Madaxda Britain.

Xoghayaha Arrimaha Dibada, ayaa la Tilmaamayaa inuu ku dooday in Dowladiisu ay garab istaagto Dalka Somalia, balse awaal looga dhigo gaf laga gala Siyaasada dalka, waxaana la sheegayaa inuu Tusaale usoo qaatay Safiirkii hore ee Somalia, xiligaana ah Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/llahi Sambaloolshe.

Ra’isulwasaaraha dalka C/weli sheikh Axmed ayaa isaguna dhankiisa ka dalbaday Xoghayaha in Dowladiisu Britain raali ka noqoto Falkii uu ku kacay C/llahi Sambaloolshe kaasi oo ahaa inuu si aan habooneyn u adeegsaday diblumaasiyada.

Dhanka kale, Ra’isulwasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa u ballan qaaday Britain in DFS ay ka fiirsan doonto Safiirka ay usoo magacaabi doonto Dalka Britain.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada