Faransiiska:- oo duqeyntii u horeysay ee cirka ku qaaday Kooxda Daacish ee Waqooyi Bari Ciraaq

Faransiiska:- oo duqeyntii u horeysay ee cirka ku qaaday Kooxda Daacish ee Waqooyi Bari Ciraaq

daajis.com:-Diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska ayaa duqeyntii u horeysay xaga cirka ah ku qaaday Kooxda ISIS ee dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya.

Weerarkan ayaa lagu qaaday waqooyi bari dalka Ciraaq, halkaasoo la duqeeyay bartilmaameed kooxda Daacish ku lahaayeen.

War laga soo saaray xafiiska Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa lagu sheegay duqeynta xaga cirka ah sii socon doonto maalmaha soo socda.

“Saakay subaxdii 9:40 diyaaradaheena Rafale ayaa qaaday weerarkii u horeeyay ee cirka ah bartilmaameedka kooxda Argagixisada Daacish ku laheyd waqooyi Bari Ciraaq, waxaa bur burinay goobo ay dhigtaan saanada”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Faransiiska

Mareykanka ayaa ilaa 170 weerar cirka ah ku qaaday Kooxda Daacish tan iyo bartamihii bishii Agosto.
Kooxda Daacish ayaa ka talisa magaalooyin badan oo ku yaala Suuriya iyo Ciraaq, halkaasoo ay kaga dhawaaqeen Khilaafo Islaami ah.

Faransiiska ayaa Isniintii marti gelinayay shir caalami ah oo looga hadlayay qatarta ISIS, iyadoo ilaa 26 dowladood ay balan qaadeen inay ka qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah kooxdaas Khilaafada Islaamka la baxday.


Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhowaan ku dhawaaqay istiraatiijiyad cusub oo lagula dagaalamayo Kooxda ISIS, isla markaana uu hogaaminayo isbaheysi la dagaalama kooxdaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada