Madaxweynaha Uganda oo eryay Ra’iisul Wasaare ay saaxiib ahaayeen (Sabab ?)

Madaxweynaha Uganda oo eryay Ra’iisul Wasaare ay saaxiib ahaayeen (Sabab ?)

daajis.com:-Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa eryey oo xilka ka qaaday R/wasaare, Amama Mbabazi oo ahaa nin ay aad isugu dhawaayeen, xilkaasna hayey tan iyo sanadkii 2011, sidaas waxaa qoray Wargeyska New Vision ee dalka Uganda.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa xilka R/wasaaraha u dhiibay wasiirkii hore caafimaadka, Ruhakana Rugunda.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa xilka R/wasaaraha u dhiibay wasiirkii hore caafimaadka, Ruhakana Rugunda.

Warqadda xilka looga qaaday R/wasaare, Amama Mbabazi ayaa madaxweyne Museveni ku sheegay inuu u mahadcelinayo R/wasaarihii hore oo uu sheegay inuu shaqo badan qabtay.

Amama Mbabazi ayaa in muddo ah ay saaxib dhow ahaayeen isaga iyo Museveni, hase ahaatee waxey is khilaafeen kadib markii xisbiga talada haya uu musharaxa Madaxweynaha sanadka 2016 u doortay Museveni.




Mr Mbabazi ayaa loo arkayay ninka bedeli lahaa Mr Museveni, hase yeeshee ay isku dhaceen, waxaana laga yaabaa in sanadka 2016 doorashada dhici doonto inuu noqon doono ninka kaliya ee la tartami doona.

Baarlamaanka Uganda ayaa la filayaa inuu ansixiyo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub, kadib markii warqad qoraal ah oo uu soo saaray madaxweyne Museveni.

Madaxweyne Museveni ayaa muddo dheer hayey xilka madaxweynaha dalka Ugand, wuxuuna kursiga fariistay sanadkii 1986, waxaana la filayaa inuu sanadka 2016 markale isku soo sharaxo xilka madaxtinimada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada