Jose Mourinho:- oo hadal layaab ah jeediyay ka hor Kulanka Man City.

Jose Mourinho:- oo hadal layaab ah jeediyay ka hor Kulanka Man City.

daajis.com:- Macallinka kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa ka hadlay kulanka adage e Axada Dhex mari doona Naadiga  Manchester City  iyo Chelsea kas oo ka tirsan Horyaalka Premier League iyadoona ay ku dagalami doonaan Etihad Stadium.

Tababaraha Reer Portuguese oo xagagan gaaray Afar Guul oo ka tirsan Horyaalka Premier League iyo hal bar-baro ah uu la galay kooxda  Schalke Kulan ka Tirsan Champion League.

Mourinho ayaa aamin in Blues-ka  ay ka adkaan karto Kooxda Man Blue islamarkaana ay siii dheeresan karaan dhibcaha ay ku hayaan horyaalka England,waxaana uu intaasi ku daray in awood uu u leeyahay in uu ka adkaado Kooxda Tababare Manuel Pellegrini.

“Markasta waa Waqti Wanaagsan in aan la Ciyaarno Koox Weyn Sababtoo ahi Aniga Akteyda waxa ay ka tahay Shaqo Fudud,” Sidaasi Waxaa Yiri 51-Jirka Reer Portugal.

“Waan Xushmeyn dooonaa City sababtoo ahi waa koox weyn taasina waa mid aan Nafteena Ku xushmeeneyno.

Mourinho ayaa Dhankale ka hadlay arinta gool ma gafe Diego Costa waxaa uu ku tilmaamay weeraryahan Cajiib ah islamarkaana awood u leh in Man City uu Gool ka dhalin karo.

“Ciyaaryahan kasta waxaa uu diyaar u yahay in uu Ciyaaro,” Ayuu ku daray. “Diego waxaan jeclahay in kulan kaan uu kusoo bilawdo hadii uu dhamestana Kulanka xiga ee Bolton waa uu Nasan Doona.”


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada