Xog Cusub:- Xabsiyada Axmed GODANE oo haawanaayo & Saraakiil Cadaan + Somali lasii daayay (Akhriso yaa kamid ah)

Xog Cusub:- Xabsiyada Axmed GODANE oo haawanaayo & Saraakiil Cadaan + Somali lasii daayay (Akhriso yaa kamid ah)

daajis.com:-Ilo-xog-ogaal ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab ayaa saxaafada u xaqiijiyay in Hoggaamiyaha Kooxda Axmed Cabdi Godane uu Jeelka Magaalada Baraawe kasii daayay Saraakiil isugu jiray Cadaan iyo Somali.

Saraakiisha Maleeshiyada ee Jeelka laga sii daayay ayaa waxaa kamid ahaa Liibaan oo ahaa Darawalkii hogaamiyihii caanka ahaa ee Saalax Al-Nabhaani oo lagu dilay duqeyn loogu geystay meel aan sidaa uga fogeyn Degmada Baraawe, kadibna la qaatay meydkiisii.
Sidoo kale, Hoggaamiyaha ayaa la Tilmaamayaa inuu amray in lasii daayo gabi ahaan Maxaabiista oo gaareysay 120, inta aan ka aheyn ku dhawaad 15 oo iyagu loo heysto Arrimo gaar ah.
Dhanka kale, Ujeedka Maxaabiistaasi loo sii daayay ayaa waxaa lagu sheegay in Axmed Godane uu ka baqay in Maxaabiistaasi uu ku imaado duullaanka ay Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ku doonayaan inay kula wareegaan Deegaanka Xeebta ee Baraawe.

Waxaa suuragal ah in Maxaabiistaasi ay gacanta u galaan Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM waa haddii aan lasii deyn, waxa ayna taasi sababeysaa in Maxaabiista markii lagu qabto halkaasi ay u xog waramaan Ciidamada Huwaanta.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada