Xog Hoose:- Barre Hiirale oo laga saxiixay 8-Qodob oo uu Hantidiisa ku weynaayo (Akhriso)

Xog Hoose:- Barre Hiirale oo laga saxiixay 8-Qodob oo uu Hantidiisa ku weynaayo (Akhriso)

daajis.com:-Sargaal ka tirsan Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed, ayaa inoo xaqiijiyay in Ra’isulwasaaraha, Wasiiro, Xildhibaano iyo Odayaal kasoo jeeda Beesha Sade ay kullan la qaaten Col. Barre Hiiraale kaasi oo lagu lafa-guray Siyaasadda iyo isku soo dhawaanshaha Barre iyo Axmed Madoobe.

Sargaalka ayaa inoo xaqiijiyay in Mas’uuliyiintaasi ay Col. Barre ku cadaadiyeen inuu u Hoggaansamo Awaamirada DF, waxa ayna Barre ka saxiixeen fulinta Dhow Qodob oo saldhig u ah Wada-xaajoodka.
Haddaba Sargaalka oo ka gaabsaday Magaciisa ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in Col. Barre lagu xujeeyay inuu meel-mariyo 8-Qodob ee soo socda:-
1-Inuu ka qeybqaato dhismaha Maamulka KMG Jubba.
2-Inuu Ciidamadiisa iyo Hubkiisa uu ku bedelo kuwo Qaran.
3-In Ciidamadiisa ay kamid noqonayaan kuwa Gobolka.
4-In Mushaaraad gaar ah la siinaayo Ciidamadiisa, Hubkana si nidaamsan loo sharciyeynaayo.
5-Inuusan amar siin Karin Ciidamadiisa, balse ay ka amar qaadanayaan Taliyaha Ciidamada Maamulka Jubba.


6-Inuu hurmuud ka ahaan doono Madaxda ay khuseeyso Abaabulka Shirka ka dhici doono Kismaayo ee lagu heshiisiinaayo Beelaha Dega Kismaayo.
7-Inuu u Hogaansamo Awaamirta DF iyo go’aanada kaga aadan Jubba.
8-Ugu dambeyntii in wada-xaajoodka kala dhexeeyo Axmed Madoobe uusan baayicin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada