Fadeexo:- GODANE waa BASAAS nala shaqeeya, nagana shaqeeya’’ Sidaas waxaa yiri

Fadeexo:- GODANE waa BASAAS nala shaqeeya, nagana shaqeeya’’ Sidaas waxaa yiri

daajis.com:-Horjooge sare oo ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab ee ka dagaalanta Dalka Somalia ayaa sheegay in Hoggaamiyaha Maleeshiyada Axmed Cabdi Godane uu yahay Basaas la shaqeeya Dowladaha reer Galbeedka.
Abu-Yasir Al-Maqdashi oo kamid ah Horjoogayaasha Kooxda, ayaa waxa uu sheegay in Godane uu yahay Seef laba af leh, waxa uuna ku tilmaamay inuu yahay Basaas ka dhex shaqeeya Alqaacida, gaar ahaan Alshabaab.
Abu-Yasir oo ka horjeeda qaabka uu u shaqeynaayo Axmed Godane, ayaa waxa uu Sheegay in Baaritaan Dheer oo ay sameyeen ay ku ogaadeen in uu yahay Axmed Godane Nin lashaqeya Sirdoonka reer galbeedka oo xogta siiya.
Abu-Yasir ayaa waxa uu sidoo kale Tilmaamay in Axmed Godane Balantii uu kaga baxay taas oo aheyd in ay ku mideysnaadaan dagaalka ka socda Somalia, balse uu isku koobay xogta iyo wax waliba oo khuseeya Alshabaab.
‘’Waa nin aan ehel u aheyn Nidaamka Kooxda u degsan, Nidaamka isaga ayaa isku koobay ruuxii uu doono ayuu la dhaqmaa, ruuxii uu ad adeeg ka dareemo qaab kale ayuu ula dhaqmaa’’ Ayuu yiri Abu-Yasir.
Abu-Yasir oo intaa hadalkiisa kasii amba qaadayo ayaa waxa uu yiri ‘’Waa nin u adeego reer Galbeedka, xogaha gaarka ah ee khuseeya Xarakada waxa uu si toos ah ugu gudbiyaa Sirdoonka Reer Galbeedka oo uu la leeyahay xiriir wanaagsan, marka aad ayan uga xunahay inuu gaalada ka iibsado xogaha Islaamka, islamarkaana nala sheegto Xarakada’’
Dhanka kale, Haddalka Al-Maqdashi, ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo mudooyinkaani duqeymo lala beegsanaayay xarumaha Alshabaab ee ku yaalla Gobolada Dalka, waxa uuna Al-Maqdashi noqonayaa Horjoogihii ugu horeeyay oo si bareer cad Saxaafada ugu sheegay in Godane uu yahay Basaas ku dhex jira Alshabaab, lana shaqeeyo Sirdoonka Dowladaha Reer Galbeedka inkastoo Hadana ay jiraan Khilaaf udhaxeeya Al-Shabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada