Daawo Sawirada:- Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo gaaray deegaanka Fiidow

Daawo Sawirada:- Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo gaaray deegaanka Fiidow

daajis.com:-Wararka ka imanaya deegaanka Fiidow oo ku yaal xadka kala qeybiya gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo isugu jira kuwa dowlada iyo AMISOM ay gaareen gelinkii dambe ee maanta deegaankaas.
Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaan wax iska caabin ah aan kala kulmin la wareegida deegaanka Fiidow oo halbowle u ah isu socodka gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo saaka ka dhaqaaqay deegaanka Dhiingaras ay iyagoo lugeynaya galeen deegaanka Fiidow kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii ururka Alshabaab.
Ciidamada ururka Alshababa ee hore ugu sugnaa deegaanka Fiidow ayaa dib ugu gurtay deegaanka Harar-Lugoole oo qiyaastii u jira deegaanka Fiidow illaa 12km.
Dadkii degenaa deegaanka Fiidow ayaa bilaabay saaka inay ka barakacaan guryahooda waxayna dadkaasi ay galeen howdka iyo beeraha ku dhow dhow iyagoo ka cabsanayay in iskahorimaad hubeysan uu ka dhaco deegaankooda.
Ciidamo isku dhaf ah oo ah kuwa dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay waxa ay ka wadeen dhaqdhaqaaq milatari deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada