C/Qaadir Siidii oo sheegay in Saacadaha soo aadan uu Shir Jaraa’id ku qaban doono Magaalada Baraawe

C/Qaadir Siidii oo sheegay in Saacadaha soo aadan uu Shir Jaraa’id ku qaban doono Magaalada Baraawe

daajis.com:-Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ugu Magacaaban Dowlada Federaalka Soomaaliya C/Qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in saacadaha soo aadan ay ku wajahan yihiin Magaalada Baraawe oo hada ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab gacanta ku hayaan.


Mr-Siidii ayaa tilmaamay in Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay u dhaqaaqeen Magaalada Xeebta leh ee Baraawe waxa uuna xusay in saacadaha soo aadan ay rajeenayaan in gacantooda soo gasho Magaaladaasi.

‘’ Howlgalka Badweynta Hindiya waa uu socdaa qorshaheena hada waxaa waaye in aan la wareegno Magaalada Baraawe, Saacadaha soo aadan hadii rabi idmo waxaan shir jaraa’id ku qaban doonaa Magaalada Baraawe’’ Ayuu yiri Gudoomiye Siidii.

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ayaa shaaciyay in howlgalka AL-shabaab looga saarayo Gobolka Sh/Hoose uu soconayo ilaa ay ka gaaraan Xadka Gobolada Jubada Dhaxe iyo Sh/Hoose, waxa uuna tilmaamay in waqtiyada soo aadan AL-Shabaab ka sifeen doonaan Gobolkaasi.

Dhinaca Kale Gudoomiye Siidii ayaa beeniyay War kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadanaa in ay go’doomiyeen Magaalada Buulo Mareer ay gacanta hada ku hayaan Ciidamada Huwanta ah, waxa uuna intaa raaciyay in xaalka Buulo Mareer u hada caadi yahay wax go’doomin ahna aysan ka jirin.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa gobolada Shabeelooyinka waxa ay ka bilaabeen Howlgal loogu magac daray Badweynta-Hindiya, waxa ayna Ciidamada is garabsanaya la wareegeen Deegaano dhoor ah oo horey gacanta ugu jiray Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada