Al-Shabaab oo Heegan Buuxa galiyay Ciidankii ugu badnaa si ay u u difaacdaan Magaalada Baraawe

Al-Shabaab oo Heegan Buuxa galiyay Ciidankii ugu badnaa si ay u u difaacdaan Magaalada Baraawe

daajis.com:-Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Magaalada Baraawe ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay heegan galiyeen dagaalyahanadooda si ay isaga difaacaan duulaan kaga soo wajahan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.


Dagaalyahano badan oo gurmad ah ayaa Al-Shabaab uga yimid Gobolka Jubada Dhaxe kuwaa oo saacadihii lasoo dhaafayay soo gaarayay Deegaano katirsan Gobolka Shabeelaa Hoose gaar ahaan Magaalada Baraawe iyo nawaaxigeeda.

Sida aan Wararka ku heleyno Magaalada Baraawe waxaa buux dhaafiyay Ciidamo badan oo katirsan Al-Shabaab kuwaa oo wata gaadiidka Dagaalka waxaana ciidankan la galiyay heegan buuxa iyaga oo qorsheenaya in ay difaacdaan Magaalada Baraawe oo ah Magaalada ugu weyn ee Al-Shabaab xiligan maamulaan.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee la wareegay Magaalooyinka Buulo Mareer yo Kuntuwaarey ayaa hada isku diyaarinaya weerar ay ku qaadaan Magaalada Baraawe oo wali gacanta ugu jirta Xarakada Al-Shabaab.

Dagaalyahano badan oo hubeesan soona duubtay wajiyada ayaa la dhigay Duleedyada Magaalada Baraawe kuwaa oo loogu tala galay in ay dagaal kala hortagaan Ciidamada Huwanta ah ee qorsheenaya in Al-Shabaab ka saaraan Magaaladaasi.

Shacabkii dagnaa Magaalada Baraawe iyo Deegaano ku dhaw dhaw ayaa bilaabay in ay barakacaan iyaga oo ka cabsi qaba in dagaal culus oo kala bax ah uu ka dhaco Magaaladaasi, waxaana Baraawe laga dareemayaa saan saan dagaal.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada