8 Arrimood Oo Laga Maarmaan Ah Inaad Sameyso Hadii Aad Rabtid Inaad Guul Gaartid

8 Arrimood Oo Laga Maarmaan Ah Inaad Sameyso Hadii Aad Rabtid Inaad Guul Gaartid

daajis.com:- Nin Layiraahdo Dr. Richard Wuxuu Yiri Maalin Ayaan Diyaarad Saarnaa, Agtaydana Waxaa Fadhiday Gabar Yar Oo Dhigata Skuulka Sare Kana Soo Jeeda Qoys Faqiir Ah Waxayna aadna U Jeclayd inay Wax Kabadasho Dhibka Haysta Qoyskeeda. Waxayna iwaydiisay Sidee Loo Garaa Guul? Ana Waxaan Dareemay Xanuun Badan Maxayeelay Ma Awoodin inaan Siiyo Jawaab Sax Ah Oo Tafatiran. Waxaan Go’aansaday in Markaan Diyaaradii Ka Dago Aan Raadiyo Dad Gaaray Guul iyo Horumar. Aana Weydiiyo Sidee Guul Loogaaraa? 7Sano Kadib iyo 500, Oo Waraysi Oon Kaqaaday Dad Guulo Sare Gaaray Waxaa iisoo Baxday in Guul Lagugaaro Arimahan Soo Socda:

1- Hilow; Hilowga Loo Hiloobo Gaaritaanka Guusha Ayaa Qofka Kuqasba inuu Shaqa Qabto, Oo Uusan Kasexanin/ Kadib Dhinac
Dadka Jecel inay Guul Garaana Uma Shaqeeyaan inay Helaan Lacag Oo Kaliya, Ee Waxay Udadalaan inay Shaqadooda Ku Raaxaystaan,
Kadibna Waxay isla Helaan Guul iyo Maal Badan..

2- Shaqo: Guul Oo Dhan Waxaa Saldhig U Ah, Shaqo Loo Maro Dhib Badan, Wax Bilaash iyo Raaxo Ku Yimaadana Maba Jiraan Waa Wax
Riqiis Ah Oon Qiimo Badan Lahayn. Dadka Huromarka Gaaraa Waxay Qabtaan Shaqo ay Kuraaxaystaan. Waqtigooda iyo Naftoodana Ay Uhuraan, Waxayna Ushaqeeyaan Siqota Dheer.

3- Tababar: iyo Kucelcelin Farabadan; Si aad Unoqoto Guulayste Bilaw Shaqo Fiican Aadna Ubadi Taba-Barashada iyo Kucelcelinta, Oo Riyo iyo Sixir Midna Hasugin, Ee Kutalagal Dadaal iyo Taba-Barasho Dhab Ah Si Aad Shaqadaa Master Uga Noqoto.

4- Hadafkaaga Beegso: isagana Kuseexo Kuna Sookac, Hana iskudayin inaad Hal Jeer Toban Shay Kashaqayso,Balse Hadafkaaga Oo Qur Ah indhaha Kuhay Habeen iyo Maalin Soojeed iyo Hurdo Labadaba

5- Cadaadinta Nafta:Naftaada Kucadaadi Siday Hor Ugusocon Lahayd Markasta iyo Sikastaba Haka-Shakin Hana Kaxishoon Hadafkaaga Magac Dhawgiisa iyo Kucelcelintiisa Naftaadana Hamahdinin Hubsana inaada Wali Gaarin Meeshii Usaraysay, Uqiimaha Badnayd Markasta Sii Raadi Meel Ka Saraysa Meesha Aad Hada Joogto.

6- Dadka U Adeeg: una Qabo Wax Qiima Leh, Taasina Waa Jidka Ugu Gaaban Ee Guul Lagu Gaaro Kaligii Noolade Ama Dantii Raadiye Meeldheer Magaaro,Oo Qofka Naftiisa Uun Kafikaya Hadafkiisu Aad Buu Ugaaban Yahay Qofka Meel Dhaw Kusocdaana Dhaqsuu Daalaa, Halka Qofka Meel Dheer Kusocdaa,Daalka Uusan Xasuu Sanayninba.

7- Raadi Fikrado Cusub: Hana Sugin Sixir Ama Wax Haljeer Kugu Soo Daga Oo Guul Weyn Kugaarsiiya Guushu Waa Fikrado Yaryar Oo Laysku Daray, Lagu Celceliyay, Lakobciyay, Oon Laga Daalin (Dhibicda Yar Ee Dhulka Ugu Dhacda Si Isdaba Joog Ahi God Bay Qodaa, Lakiin Baaldi Buuxa Hadii Haljeer Dhulka Lagu Shubo God Ma Qodi Karto).

8- Haka Harin: Dadaalkii Aad Soowaday Xataa Haday Kaa Hortimaado Guul Darro, Ama Dadka Shaqo La’aanta Ahi Kucaayaan.Waxaadna Ogaataa inay Guul Darradu Dhasho Guul Qiimo Badan, Tahayna Hordhicii Guusha Weyn Hadaad Kahartase Waxaad Noqonaysaa Cumrigiisii Khasaariyay.

Tilmaamahaasi Waa Kuwa Guul iyo Wanaag Lagu Gaaro Sida Uu Ninkaa Aqoonta iyo Khibrada Dheer Lihi Udhigay Waxaana Haboon Qofku inuu isagu ismiisaano Meesha Uu Kajoogo Tilmaamahaas Balse Siguud Waxaan Oran Karaa Umada Somaliyeed Waa Umad Lagu imtixaanay Fudayd, Dagdeg iyo Dhakhso Afka Buuxso, Guul Ordaysa Dusha Kagadhac.

Taasina Waamid Kahor Imaanaysa Sunada iLaahay, Ee Kudhisan in Guusha Macaan Lagaaro Oo Kaliya Markii Lahelo Fikir Wanaagsan, Niyo Adag, Dadaal is Dabajoog Ah iyo Rabi Oo Latala Saarto.

Axmed Cabdulaahi

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada