Al-Shabaab kadib, Dadka Baraawe oo isticmaala Aalada Internetka Ee 3G Smartphones

Al-Shabaab kadib, Dadka Baraawe oo isticmaala Aalada Internetka Ee 3G Smartphones

daajis.com:- Shacabka ku nool degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose oo cunaqabateyn dhan walba leh saarnaa tan iyo intii Al-Shabaab ka talineysay degmadaasi ayaa hadda bilaabay inay isticmaalaan Taleefanada nooca Smartphones, oo Al-Shabaab ay ka mamnuucday in aan laga isticmaali karin Baraawe.

Sababaha Al-Shabaab ay ugu joojisay dadka isticmaalka Smartphones ayaa ah iyadoo taleefanada casriga ah ay leeyihiin adeega GPS-ka oo qofka sheegaya halka uu ku sugan yahay iyo adeegyo kale oo casri ah, waxayna aaminsanaayeen in loo adeegsaday taleefanada inay sabab u ahaayeen dhowr duqeymo ah oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Shabaab.

Somalia-Barawe-free-used-smartphonesMarkii degmada laga saaray Al-Shabaab ayey dhalinyarada lasoo baxeen wixii taleefan Smartphones u qarsanaa ee ka badbaaday howlgaladii lagu aruurinayay oo dhowr jeer Shabaab ka fuliyeen Baraawe.


Sidoo kale dukaamada lagu iibiyo Taleefanada ayaa hadda bilaabay in ay badeecadaha taleefanada smartphones bannaanka keenaan oo horay mamnuuc ka aheyd, waxaana aad loo kala iibsanayaa taleefanada casriga ah.

Al-Shabaab ayaa goobaha ay ka taliso waxaa ka mamnuuc ahaa in dadku isticmaalaan Taleefanada casriga ah ee Smartphones oo dadka adeegyo badan ay ka heli jireen iyo Internet-ka oo eheladooda ay kula xiriiri jireen. Waxayna soo dhoweeyeen xornimada cusub ee ka hana qaatay deegaankaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada