C/weli Gaas oo Beesha Mudullood doonaya inuu kasbado: Warbixin

C/weli Gaas oo Beesha Mudullood doonaya inuu kasbado: Warbixin

daajis.com:- Warar lagu kalsoon yahay oo ka helnay Siyaasiyiin xiriir wanaagsan la leh Puntland iyo Dowladda Federaalka Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu qorsheeyay martiqaad uu u fidiyo Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Oday dhaqameedyada kasoo jeeda beesha Mudullood si ay ugu wada munaashaqoodaan wax lagu sheegay xiriir soo jireen ah oo labada dhinac saaxiib dhow ku ahaan jiray.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in casuumaadaan uu ku lug leeyahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG xiligii Cabdullaahi Yuusuf AUN ee Cali Maxamed Geeddi oo Madaxweynaha Puntland uu usoo wakiishay.

Lama oga in waxgaradka, siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedyada ay aqbaleen casuumaadaan oo aan la ogeyn xiliga rasmiga ah ee ay ku beegan tahay.

Cabdiweli Gaas ayaa doonaya in gaashaanbuur xoogan uu la yeesha beesha Mudullood, maadaama xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland uu mudooyinkii u danbeeyay ahaa mid xun, waxayna taasi keentay in Gaas uu arinta xalinteeda ka doono beesha Mudullood oo awood qeybsiga nidaamka dowliga ah ku fadhido kursiga ugu sareeya ee dalka.


Hase ahaatee xiligan Garoowe loo fadhiyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafkaan iyo muranka siyaasadeed ee Federaalka iyo Puntland.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada