Video:- Gabdho ku jira da’da qaan-gaarka oo u Jihaad doontay Syria

Video:- Gabdho ku jira da’da qaan-gaarka oo u Jihaad doontay Syria

daajis.com:- Kooxaha xagjiriinta Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalka Syria ayaa baraha bulshada ku xiriirto u isticmaalaya inay beegsadaan dhalinyarada ku jirta da’da qaan-gaarka, taasoo keentay in dalalka reer galbeedka ay ka tagaan Boqolaal gabdho Muslimiin ah oo jihaad doon ah.

Gabar u dhalatay dalka Faransiiska oo ku jirta da’da qaan-gaarka ayaa ka mid noqotay 100 Gabdhood oo ka tegay dalka Faransiiska, kuna biireen kooxaha mayalka adag ee ka dagaalama Syria. Sahra waxay ka tagtay magaalada Marseille ee dalka Faransiiska, waxayna ka dhuumatay qoyskeeda xili lagu haleynayay Iskuulka.

Sahra oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Faransiiska, waxay hooyadeed sheegtay in ay fariin kasoo dirtay Syria, iyadoo u sheegtay in walaalaheeda Muslumiinta ah ay ku biirtay, si ay u caawiso.


Sahra ayaa noqoneyso gabadhii 100-aad ee Faransiis ah oo jihaad u doonta Syria, iyadoo laga xera geliyay baraha online-ka ah ee bulshada ku xiriirta.

Ilaa Afar Gabdhood oo Soomaali ah ayaa ka mid ah gabdhaha da’da qaangaarka ku jira ee u jihaad doontay Syria, kuwaasoo ka kala tegay dalalka Norway iyo UK.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada