Puntland: Wada-hadalada DF iyo Somaliland waa shir qabiil: COD

Puntland: Wada-hadalada DF iyo Somaliland waa shir qabiil: COD

daajis.com:- Maamulka  Goboleedka Puntland ayaa sheegay in wada-hadalada Dowladda Federaalka Somalia ay la galeyso Somaliland in ay yihiin shir beeleed, labo qabiil ku kulmay, sababtuna ay ku sheegeen in aan laga qeyb gelin maamulka Puntland.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland C/xakiim C/llaahi Camey ayaa u sheegay Ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Weli Sheekh Maxamuud in shirarka dhiman ee wada hadalada Somalia iyo Somaliland haddii aan laga qeybgelin Puntland in ay noqon doonan kuwo qabiil, isagoo ku adkeeyay in lagama maarmaan ay tahay in Puntland laga qeybgeliyo, maadaama laga hadlayo mustaqbalka danta guud ee Soomaaliweyn.

Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji (Camay) ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Puntland oo loo qabtay wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, ayaa tilmaamay inay lama huran-tahay in Puntland ay ka qeyb gasho wada-hadalada faderaalka iyo Somaliland.

“Haddii an la ballaarin wada-hadallada Somaliland iyo dowladda faderaaka waxay u ekaanaysa shir beeled, shir qabiil, shirka waa shir danaha ummadda Soomaaliyeed looga hadalayo, waa shir aan looga marmiin Puntland inay ka qayb-gasho,” ayuu yiri Camey.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa si toos ah ugu sheegay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya inay doonayan ka qayb-galka wada-hadallada Somaliland iyo dowladda faderaalka.

Camay ayaa xusay inay muhiim-tahay in Puntland inay wax ka ogaato danaha Soomaaliya, waxuuna qodobkaas ku sheegay inay ka mid tahay tabashada Puntland ee dhinaca faderaalka.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada