Daawo Sawirada:- Booqashadii Madaxweynaha uu ku tegay Baraawe

Daawo Sawirada:- Booqashadii Madaxweynaha uu ku tegay Baraawe

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta booqasho ku tegey magaalada Baraawe, oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, oo xarun u ahaan jirtay Kooxda al Shabaab.

Fagaaraha weyn ee Baraawe kulan uu dadweynaha kula yeeshay ayaa halkaas waxaa ka hadlay salaaddiinta Gobolka qaar ka mid ah, gaar ahaan kuwa Baraawe iyo nawaaxigeeda.

Hoggaamiyayaasha Dhaqanku waxay marka hore si diirran u soo dhoweeyeen Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Waxayna ka codsadeen qodobbo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin sugidda amniga, fidinta daryeel caafimaad oo aan hadda jirin iyo in gurmad raashin oo deg deg ah lala soo gaaro dadweynaha degaanka.

Xafladda ayaa waxaa soo Agaasimay Madaxda Gobolka Shabeellada Hoose oo uu horkacayo Guddoomiyaha Gobolka, Cabdulqaadir Siidii.xasan-baraawe-3

Madaxweynuhu wuxuu dadweynaha Baraawe ugu hambalyeeyay in ay ka xoroobeen kooxda al Shabaab, wuxuuna u sheegay in Dowladdu ay culeyska saareyso sidii ay wax uga qaban lahayd baahida dhinacyada badan ee ay nabaddoonnada Baraawe ay u soo jeediyeen Dowladda.

Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay bulshaweynta Shabeellada Hoose ee qurbajoogta ah in ay u soo gurmadaan magaalada Baraawe iyo guud ahaanba dadweynaha Gobolka Shabeellada Hoose.

Madaxweye Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu sheegay in Baraawe ay tahay magaalo leh ilbaxnimo fog iyo xadaarad Islaami ah, haddana lagu dadaali doono sidii loo soo celin lahaa wax soo saarka degmada.

Madaxweynuhu wuxuu mar kale ku celiyay in loo baahan yahay in dhallinyarada Shabaab xubnaha ka ah, hadday ka tanaasulaan fikirka al Shabaab loo baahan yahay in la cafiyo loona sameeyo dhaqan celin.xasan-baraawe-2

Dhoofinta dhuxushu ayuu Madaxweynuhu sheegay in ay tahay mid sharci darro ah, isla markaana aan dowladdiisu aqbali doonin in dhuxul la dhoofyio.

Intii aanuu dadweynaha kula hadal fagaaraha ayuu Madaxweynuhu wuxuu soo eegay dhuxul buuro noqotay oo ku raseysan xeebta magaalada Baraawe.

Khudbadaha goobtaas laga jeediyay dhammaantood waxay si toos ah looga dhageysanayay warbaahinta Qaranka.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyay mas’uuliyiin ka soo jeeda Gobolka Shabeellada Hoose oo uu ka mid yihiin Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Burci Xamsa iyo Xildhibaanno. Waxaa kale oo wafdiga madaxweynaha ka mid ahaa Taliyayaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Nabad Sugidda, Generaallo ka tirsan AMISOM iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha iyo wafdigiisu si nabad ah ayay isla maanta ugu soo laabteen magaalada Muqdisho



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada