Malala Yousafzai oo ku guuleystay abaal marinta caalamiga ee Nobel Peace Prize

Malala Yousafzai oo ku guuleystay abaal marinta caalamiga ee Nobel Peace Prize

daajis.com:- Malala Yousafzai oo u ololeysa waxbarashada gabdhaha ayaa noqotay gabadhii u horeysay oo da’ yar ah oo ku guuleysata abaal marinta caalamiga ee Bilada loo yaqaano Nobel Peace Prize.

Ms Malala oo 17-jir ah ayaa muddo ku hamineysay inay ku guuleysato abaal marintan, iyadoo u ololeyn jirtay waxbarashada gabdhaha dalka Pakistan.

Ururka Taliban Pakistan ayaa sanadkii 2012 madaxa ka toogtay gabadhan, xilli ay ku guda jirtay ololaheeda ku aadan sidii gabdhaha reer Pakistan u heli lahaayeen waxbarasho.

Sidoo kale waxaa bilada Nobel ku guuleystay nin u dhashay dalka India oo isna u ololeeya xuquuqda caruurta, kaasoo lagu magacaabo Kailash Satyarthi,

Gudiga bixiya abaal marintan oo fadhigiisu yahay dalka Norway ayaa sheegay in sababta ay Malala ugu guuleystay ay tahay halganka ay u gashay la dagaalanka caburinta gabdhaha iyo caruurta ee aan waxbarashada heysan.

Malala Yousafzai iyo Kailash Satyarthi ayaa si wada jir ugu guuleystay abaal marintan caalamiga ah
Malala Yousafzai iyo Kailash Satyarthi ayaa si wada jir ugu guuleystay abaal marintan caalamiga ah


Iskuul ku yaal dalka Pakistan ayaa caruur dhiganeysay ay mar qura ay u dabaal degeen markii lagu dhawaaqay in Malala Yousafzai inay ku guuleysatay abaal marinta caalamiga Nobel Peace Prize.

Bisha soo socota ee December ayaa la filayaa in Malala iyo Mr Kailash lagu gudoonsiiyo magaalada Oslo xaflad ka dhici doonta, waxaana dad badan ay filayeen in Ms Malala ay tahay gabar u qalantay abaal marintan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada