Aqriso:- Faa’iidooyinka Guurku leeyahay Iyo Xiliga Xanuunkiisa la dareemo

Aqriso:- Faa’iidooyinka Guurku leeyahay Iyo Xiliga Xanuunkiisa la dareemo

daajis.com:- 1-Ubad kaa haara -faa’iidooyinka guurka kuwa ugu horeeya waxa sidii lagu heli lahaa ubad, si aanay tafiirta dadku u dhabar go,in madaama qoysku laga ma maarmaan ay tahay inu fac ka fac ku abtirsado,

2-Dhufays aad ka gashid shaydaanka Guurku waxa uu ka oodaa meluha uu shaydaanka ka soo galayay mar haddey wuxu xaaraan kuu raadi kulahaa rugtaada Ayeey Kuu yaalaan iyaga oo xalaal ah Qofku hadaanu eebe ka cabsi iyo iimaan ku habsaamayn rabitaankiisa jinsi ayaa hagaga hadii markaasi aanu helin guur xalaal ah, siduu danbi isaga ilaaliyaana way adag tahay ilaa qof Alle u naxariistay mooyee kana dhowr xaraanta,

3-Qalbigoo kuu daga iyo laabtoo kuu qabawdashaqo tay naftu u jeceshahay hadaan loo helin waqti nasasho, waa lagu daalayaa dabateena la iska daynayaa ha yeshee maxaad ka oran lahayd hadey shaqadaasi tahay Taqwada Eebe ooy iyada iyo naftuba isdiidayaan Saacadaha uu ninku ku hawlan yahay cibaada alle iyo camalka aduunyo waxa haboon in uu dhexgashado wakhti uu xaaskiisa la qaato, si qalbigu ugu dego , laabtu u qabawdo firfircoonaanna uga qaado islamarkane uu ku xasilo ileen waxa la yiri guurka wa xasilooni,

4-Hawshii guriga oo hogaankeedii kaa wareegto, Ninka oo ka xorooba maamulka guriga sida, hagaajintiisa, inkasta oo ay waajib saaran rag iyo dumarba tahay arinta gurigu.

Ugu Danbeeyntii ogow ninyahow Gabadu ninkeeda Waxay siisaa waqti dheeraad ah oo uu ku shaqayso, waxa ku barto, Eebena ku caabudo. Rasuulkeena suuban ( SCW) waxa uu xadiis usoo saaray Tirmidi ku leeyahay : ( Midkiin ha yeesho qalbi Eebe ku mahadiyo ooga, carrab Eebe xusid badan iyo haweenay mu,minad suuban ahoo Akhridiisa ku kaal meeysata).

hadaba ninyahow guurka qeeyr ayaa ku jira ee guurso waqtiga dhalanyarada si aad ugu bad baadid xaraanta oo ah mid aad u dhib badan mustaqbal xun kuu horseedi karta.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada