Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo si nabad ah kula wareegay Degmada Baraawe

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo si nabad ah kula wareegay Degmada Baraawe

daajis.com:-Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa Saakay Aroortii la wareegay gacan ku haynta magaalada Barawe oo ah meshii ugu dambeysay ee ay ugu xoogga badnaayeen Al-shabaab.


Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay dhaqaale ka heli jireen magaalada Barawe, oo ay gacanta ku haysay lixdii sano ee ugu dambeysay.


Ciidamada Dowladda oo taageero ka helaya AMISOM ayaa dhowr maalin dul fadhiyay magaaladaasi, oo Al-shabaab ay beneeyeen dhowr maalin ka hor.

Shalay galab dagaal ayaa ka dhacay meel ku dhow Baraawe, sida wararku sheegayaan laakiin ciidamada lugta ee Amisom iyo kuwa Xooga Dalka ayaa saaka gudaha u galay Magaalada.


Gudoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose, ayaa BBC u xaqiijiyay qabsashada magaalada Barawe, wuxuuna sheegay inuu asiga ku sugan yahay bartamaha Barawe.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada