News:- Dadka Ceyrta ka qaata Britain oo lacag caddaan gacanta loo saari doonin

News:- Dadka Ceyrta ka qaata Britain oo lacag caddaan gacanta loo saari doonin

daajis.com:-Xoghayaha Shaqada iyo Hawlgabka Britain, Mr. Iain Duncan Smith, wuxuu ku dhawaaqay in la soo saari doono kaarar (Smartcards) si cayrta loogu isticmaalo waxyaalaha daruuriga nolosha u ah. Mashruucaan wuxuu hubin doonaa in lacagta aado quudinta iyo marashada carruurta oo aan loo adeegsan Sigaarka, Khamriga iyo maandooriyaha.


Cayr qaatayaashu ma awoodi doonaan inay wax lacag ah kula soo baxaan kaararkooda, kaarkuna waa istaagaa marka qofku isku dayo inuu ku iibsado wax aan daruuri ahaynin.

Xoghayaha Shaqada iyo Hawlgabka Mr. Iain Duncan Smith, wuxuu Yiri: Mashruucaan oo la tijaabin doono sannadka dambe wuxuu hubin doonaa in lacagtu aado quudinta iyo marashaynta ilamaha. Hase yeeshee, dhalliilayaasha baaqaan oo yimid mar Xoghayaha Maaliyadda George Osborne uu daaha ka qaaday in muddo 2 sanno ah aan cayrta wax lagu kordhin doonin (frozen) haddii aan ku guulaysano doorashada guud.

Fiona Weir oo ka tirsan ururka samafalka waalidiinta keliga ah (Single) ee lagu magacaabo Gingerbread Rootisanjabiil, waxay tiri: Baaqa kaararka wuxuu wax u dhimaa dadka u baahan taakulada cayrta.

Tijaabada kaararkaan oo khusaysa 250 qoys oo iskood u oggolaaday, degganna North Tynedside, wuxuu hubin doonaa in xoogaa lacag loogu talogalo dukaanno gaar ah in wax looga iibsado, laguna bixiyo biilaalka.

Illoowse, Mr. Duncan-Smith wuxuu u doonaa in uu ku xakameeyo dhammaan kharajyada.  Shir Xisbiga Muxaafidka uu ku lahaa Birmingham, wuxuu u sheegay: Marka Waalidiintu ay daroogo iyo khamri ay ku walfeen (addicted) galeenna dayn ama wax ka wayn, waa inaan u helnaa waddo aan uga ilaalin karno. Taasina waxaa ka sii muhiimsan in baahida  qoysaska iyo carruurtooda la haqabtiro.

Taasi macnaheedu waa in cayrta la bixinaayo ay aado sareedada qoyskaas ee ma aha in lagu bixiyo caadadooda isbi'ineed (Destructive habits).

Hadduu  mashruucaan hirgalo, wuxuu dhib wayn u gaysan doonaa qoysas fara badan oo lacag looga xawili jiray Britain, waana suuragal in dalalka kale ee Yurub ay ku daydaan.

Axmed Moxamed Axmed

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada