Ciidammada Xoogga oo kaabiga ku haya Baraawe

Ciidammada Xoogga oo kaabiga ku haya Baraawe

daajis.com:-Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan ciidammada AMISOM ayaa gacanta ku dhigay deegaanno iyo tuulooyin cusub oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo ay ciidammadu kaabiga ku hayaan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidammada nabad-ilaalinta Midowfa Africa ee AMISOM, ayaa malleeshiyaadka Al-Shabaab ka qabsaday Tuullada Maryan-gubaay iyo deegaanno kale oo ka tirsan  gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo ciidammada ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in deegaannada ay gacanta ku dhigeen ay yihiin kuwa hadda ay xaaladooda degan tahay, isla markaana dadka Shacbigana ay soo dhoweeyeen ciidammada meelahaasi la wareegay.


Tuulada Maryan-gubaay ayaa ku dhow magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, malleeshiyaadka Al-Shabaab ee magaaladaasi ku suganna waxaa la soo sheegayaa in ay ka sii cararayaan, iyadoo ay ka u ruqaansadeen dhanka gobolka Jubbada Dhaxe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada