Ciidamo ka tirsanaa Ururka Al shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda

Ciidamo ka tirsanaa Ururka Al shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda

daajis.com:-Ugu yaraan 10 ka mid ah dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab ee ka dagaalamaaya Gobolka Hiiraan, ayaa waxay maanta isku soo dhiibeen Maamulka Degmada Buulo Burde ee Gobolkaasi Hiiraan.


Tallaabadaan, ayaa waxay ka dambeysay markii ay xiriir la soo sameeyeen Maamulka Degmada Buulo Burde, iyadoona uu Maamulku balanqaaday in soo dhaween uu u samayn doono.


Gudoomiyaha Degmada Buulo Burde C/casiis Duurow Cabdi, ayaa sheegay inay si diiran u qaabileen ragga ka soo baxsaday Ururka Al Shabaab, xilli ay wateen hubkii ay kala soo goysteen Shabaabka.

Xubnaha baxsadka ah, ayaa waxaa lagu hayaa Xero ay Ciidamada Jamhuuriyada Jabuuti ku lee yihiin Degmada Buulo Burde, isla-markaana ay raggaan u gudbin doonaan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Degmada Buulo Burde oo la hadlay Idaacada Barkulan ee Magaalada Muqdisho, ayaa ku waramaaya inay qaabili doonaan dhalinyarada dooneysa, inay ka soo goysato Ururka Al Shabaab.


Tani, ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed uu maanta markale ku celiyay, in dhalinyarada u dagaalameysa Al Shabaab, ay ka faa’iideystaan mudada loo qabtay in ay isugu soo dhiibaan Dowladda.

Al Shabaab, ayaa waxay wajaheysaa duulaan ballaaran oo kaga imaanaaya Ciidanka Xooga Dalka iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Somaliya, waxa uuna qorshuhu yahay in gebi ahaanba dalka laga wada sifeeyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada